Dhageyso Maxkamadeynta Wariye C/maalik Coldoon Oo Maanta Ka Dhaceysa Magaalada Hargeysa

Dacwadda Wariye C/maalik Muuse Coldoon ayaa Maanta ka bilaabanaysa Maxkamada Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland.

Wariye C/maalik Coldoon oo 11kii Maalmood ee lasoo dhaafay ku xirnaa Xarunta Danbi Baarista Magaalada Hargeysa ayaa waxaa shalay lagu waday in Maxkamad la horkeeno balse codsi isaga ka yimid ayaa dib loogu dhigay fadhiga Maxkamada.

Wararka aan saaka ka heleyno Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Wariyaha Maanta la horkeenayo Maxkamada,Booliska Soomaaliland ayaa u hanjabay Qareenada u doodaya Wariye C/maalik Muuse Coldoon waxayna ku amreen ineysan difaaci karin Wariyaha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE