Faafaahinno Kasoo Baxaya Sarkaal Ka Tirsanaa Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Toogtey

Kooxo  ku hubeysan Bistoolado ayaa magaalada Muqdisho waxa ay ku toogteen sarkaal ka shaqeenaayey Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ninka oo lagu toogtey Xaafadda Ceeldheer ee degmada Dharkeynley ayaa wararka waxa ay sheegayaan in uu ahaa Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaankii lagu soo doortey Carte, isagoona hadda ka shaqeenaayey Xafiiska Gudoonka Baarlamaanka Fedaraalka.

Marxuumka Geeriyoodey oo lagu magacaabo C.qaadir Qaasim Mursal ayaa dad goob joogayaal ah waxa ay xaqiijiyeen in ay toogteen dabley saarneyd Gaadiid kuwa Raaxada ah, oo markii ay dilka geysteen ka dib goobta isaga baxsadey.

Ciidamada Amaanka ee degmada Dharkeynley oo goobta soo gaaray ayaa ku baxay wadada uu daay Gaariga dilka lagu fuliyey waxaana Ciidamada ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan Gaariga baxsadey hase ahaatee ay ka degeen kooxihii dableyda aheyd.

Weli magaalada Muqdisho waxa ka socda dilalak qorsheysan ee ay geysnayaan kooxaha hubeysan, waxaana Ciidamada Amaanka ee Gobolka Banaadir ay u muuqdaan kuwo weli ku fashilan inay yareeyaan dilalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE