Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ”Khilaafka Ka Dhex Jira Maamulka Si Dastuuri Ah Ayaan U Xalain Doonnaa”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Goboleedka Hirshabeelle iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar oo xarun u ah Maamulka Hirshabelle.

Sheekh Cismaan Barre Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo Saxaafada kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ayaa soo hadal qaaday khilaafka Siyaasadeed ee ka jira Hirshabeelle, wuxuuna ugu baaqay Xildhibaanada Hirshabeelle iney isdajiyaan isla markaana waxyaabaha jira lagu xalin doono qaab Dastuuri ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay iney Xildhibaanada horyaallaan hawlo badan, Wuxuuna daaha ka rogay iney si dhaqso ah u guda gali doonaan hawlaha  adag ee horyaalla,Wuxuuna ugu baaqay dhammaan Xildhibaanada iney yimaadaan Magaalada Jowhar.

Xilhibaano ka tirsan Maamulka Goboleedka Hirshabelle ayaa dhawaan shaaciyey in ay gudbinayaan Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Cali Cabdulaahi Cosoble, waxaana xildhibaanada Madaxweynaha ay ku eedeeyeen xil gudasho la’aan iyo ku takri fal awoodeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE