Madaxweyne Farmaajo Oo Booqdey Xabsiga Dhexe Ee Xamar Ayaa Halkaas Ka Jeediyey Khudbad Uu La Ilmeeyaan Ciidanka Asluubta (Video)

Madaxweynaha Soomaalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa booqasho ku tagay Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho, Wuxuuna mid mid u booqday qololka ku yaalla Xabsiga, iyadoo  uu ku dhex arkay Maxaabiis kala duwan iyo Ciidamo aan la siin xuquuqdii ay ku lahaayen Qaranka.

Madaxwayne Farmaajo ayaa Khudbad ay la ilmeeyeen u jeediyey Ciidamada Asluubta,  Wuxuuna sheegay in muhiimada koowaad dowladiisa ay siin doonto horumarinta ciidamada iyo sidoo kale bixinta Mushaaraadkood.

Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamada Asluubta Soomaaliya la siin doonto qalab ay kaga qeyb qaataan horumarka dalka, Wuxuuna sidoo kale ka hadlay Qorshaha Dawlada uga yaalla Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe.

Wuxuu Xarunta Asluuubta  Madaxwaynaha Kula Kulmay Wiilyar oo Agoon ah, isagoona muujiyey Sida ay Dawladu Aabe ugu tahay dadka Jilicsan “Aabayaashii nasoo barbaariyay ee joogay Lafoole, waxeey naga taabanjireen Caloosha si ay u ogaadaan in aan Baahanahay, Wiilkaan Waxaan rabaa in sidaas oo kale looga warqabo” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE