Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Magaalada Marka Iyo Isbaheysiga Sharwadayaasha Oo Quus Taagan

Xaaladda Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa saake degen ka dib dagaala clus oo seddaxdii maalmood ee alsoo dhaafey ka socdey qeybo ka mid ah magaalada.

Dagaalada oo u dhaxeeyey Ciidamada Mamaulka Magaalada Marka iyo Kooxo sharwadayaal ah oo isabaheysi ka ah barakicinta iyo dhibaateynta Shacabka kuwaas oo ka koobnaa Mooryaantii Habargidir iyo Kooxda Shabaab oo isbaheysi sameystey.

Ciidamada Maamulka Marka ayaa guulo la taaban karo waxay ka gaareen dagaaladii seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafey sida tooska uga socdey xaafadaha Beyturaas iyo qeybo ka mid ah Buuljaan, waxaana dagaalada ay sababeen khasaare xoogan Maleeshiyada sharwadayaasha soo gaarey.

Dhinaca kale waxa weli xiran isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Marka, halka weli albaabada ay  u xiranyihiin goobihii ganacsiga, waxaana xilliyada qaar la maqlayaa rasaas teel teel ah oo dhinacyada ay isku ridayaaln.

Saraakiisha Amaanka ee maamulka Marka ayaa ku goodiyey in aanaey u dul qaadan doonin dhibaato dambe iyo barakicin hor leh oo lagula dhaqaaqo shacabka deegaanka, waxaana dhinaca kale ay sheegeen in ay wadaan sidii ay ballaarin lahaayeen weerarada magaalada ay ka saarayaan sharwadayaasha.

Maleeshiyada arxan laabayaasha ayaa quus ka jooga inay sii difaacdaan dhismayaasha ay xooga ku qabsadeen ee ay ka guureen Shacabka Masaakiinta, warar la helayo ayaa sheegaya in xaaladda ay k uxuntahay oo ay bilaabeen sidii ay u heli lahaayeen gurmadyo ay kaga hortagaan gulufka ku foodka leh.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE