Waxgaradka Beesha Biimaal Oo Kulan Deg Deg Ah Ka Yeeshay Dagaalada Magaalada Marka, Baaqna U Direy Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya (Sawiro)

Kulan deg deg ah oo magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Waxagaradka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Biimaal ayey kaga hadleen Dagaalada dib uga soo cusboonaadey magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Waxgaradka ayaa sheegay in dagaalada Marka ka jira ay yihiin kuwo ay iska garabsanayaan kooxo sharwadayaal ah oo dhibaateenaya dadka Shacabka kuwaas oo ay sheegeen in ay xireen goobihii adeegyada Bulshada sida Caafimaadka, Waxbarasahada iyo Wadooyinkii dadki ay mari jireen.

Waxa ay  ugu baaqeen Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Maxmaed Cabdulaahi Farmaajo in ay wax ka qabato xaaladda ka jirta magaalada Marka oo afartii sano ee lasoo dhaafey ay ka socdeen dagaalo wajiyo kala duwan leh, kuwaas oo lagu haayey dadka deegaanka.

Dhinaca kale Waxgaradka iyo Odayaasha shirka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa eedeymo usoo jeediyey kooxo maafiya ah oo magaca Beesha Biimaal ku qaraabta kuwaas oo uu hogaaminayo Ibraahin Cali Xaaji, waxaana dowlada ay uga digeen in kooxahaas calooshooda u shaqeytayaasha ah lagu aamino Masiirka Beelweynta Biimaal.

Sidoo kale Dowlada Cusub ee hogaankeeda uu haayo Mudane Farmaajo ayaa waxay ugu baaqeen in uu il gooni ah u lahaado xaaladaha abaaraha ee ka jira Gobolka oo intii ay jirtey dowladii Xasan Sheekh laga curyaamiyey in ay wax qabsadaan, waxaana ay intaa hadalkooda ku dareen in Shacabka Gobolka Shabeelada hoose ay weli arkin dowlda iyo Maamul Goboleed  ka tarjuma baahida Shacabka.

Kulan deg deg ah ee ay yeesheen Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Biimala ayaa imaanaya iyadoo Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ay ka socdaan dagaalo dhiig badan uu ku daatey kuwaas oo ay ku lug leeyihiin kooxo sharwadayaal isbaheysi ah oo diiidan hormarka magaalada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE