Ka Hortagga Soo Noqnoqoshada Abaaraha Dalka – W/Q: Ex. Xildhibaan Garweyne Kuulow Aweys

Ceeb & Culeys weyn waxaa nagu ah in aan sanad kasta baryo Bani’aadan lee ku jirno Abaaraa na haayo…. iyo Fataxaadaa na haayo iwm weliba Anagoo Muslimiin ah Rumeysan nahayna Qadirka Alle iyo sida uu Alle nooga qaadi karo Masiibooyinka oo ah in aan Alle u laabano jidka toosanna qaadno.

Waxaa la isla yaqaanaa in abaaruhu ay yihiin dabiici ka dhasha roobabka oo baaqda iyo dagaallada, balse la abuuri karo qorshayaal looga gaashaamanayo abaaraha.

Waxaan ku talin lahaa in aan sameysano Ha’ad Qaran oo dad nooc  walba oo arimahan wax ka qaban kara  una xilsaaran ka hortagga  Masiibooyinka Dalka ku yimaada sida in badan dhacda Waxyaabaha ay qabanayaan Ha’adaasi waxaa ka mid ah:

 

1)         Wacyi gelinta dadka

2)         Ceelal & Barkado badan sameynta

3)         Biyaha Webiyada ka celinta Badda ku shubidooda, haddeeysanba awoodin iney webiyada Dalka ku leexiyaan meelaha kaloo loo leexin karo isla dhulkeena.

4)         Biyo xireeno badan iney u sameeyaan biyaha Buuraha ku da’a oo iyana Badaha ku shubaan.

5)         In ay Dalka oo dhan ay ku beeraan Geedo Mirooyin kala duduwan leh oo Fii-Sabiili llaah ah  oo Dadka Socotada ah ay iska cunaan Beled & Baadiyo meel ay marooyaanba.

abaaraha iyo saameynta ay ku yeeshaan dadka iyo deegaannada iyo sidii loo abuuri lahaa fursado ay dadka ku nool deegaannada baadiyaha ah ku heli karaan biyo iyo baad xilliyada la waayo roobabka sannadka, taasoo ay ku dhintaan, kuna barakacaan dadweynaha reer guuraaga ah.

 

Waxaan kaloo soo jeedin lahaa in lala kaashado dawladaha deeqaha bixiya iyo hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay iyo hay’addaha NGO-yada iyo IGAD.

Dhanka dhaqaalaha ayaa waxaa ka saacidaya Bankiga Adduunka iyo QM,

 

Intaasi ka dib waxaan ku soo gabagabeyn lahaa in arintan si dhaqso ah aan ugu dhaqaaqno siiba Xukuumaddan hadda …Haddii aan jirin dad lagu naas nuujinaayo in aan sanad kasto dhahno …Abaaraa na haayo….iyo   Fataxxaadaa nagu dhacy…

 

WABILLAAHI  TOWFIIQ

 

Waxaa Qorey

Ex; Xildhibaan Garweyne Kuulow Aweys

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE