Ciidamo La Siiyey Magaca Ururka Socdaal Oo Muqdisho Lagu Diyaarsadey Si Dhaqaale Loogu Qaato, Taliyaha Ururkaas Iyo Cali Baashi Oo Musuq Ku Wado (Warbixin)

Ciidamada Ururka Socdaal oo ka tirsanaa Guuto Shanaad ee Ciidamada Wasaaradda Gaashaandhiga laga maamulo ayaa bilihii lasoo dhaafey waxa musuqmaasuq iyo kala fur fur ku wadey kooxo u adeegta Abaanduulaha Ciidamada Cali Baashi.

Ururka Socdaal oo ka kooban 150 Askari oo laga qarameeyey Ciidamada Deegaanka oo Tuutte iyo agab Milateri lagu siiyey Degmada Nambar 50, ayaa muddu seddax bilood ah Mushaharaadkooda waxay ku qaadanayeen Saldhiga Ciidamada AMISOM ee ku yaalla deegaanka Ceeljaale.

Bilihii ugu horeeyey ayaa saheyda Ciidanka (Raashiinka) waxa si toos ah loo geyn jirey Saldhiga Ciidanka oo ku yiilay Nambar 50, hase ahaatee qorshe ay degeen Taliyaha Ururka Khaliif Farey iyo Horjooge lagu magacaabo Diktoorka ayaa raashiinkii ama saheydii ciidanka waxa lagu musuqmaasuqi jirey Magaalada Muqdisho.

Hadda oo ay bilowdeen bixinta Mushaaharaadka Ciidanka Dowlada ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Ciidamo loo sameeyey magaca iyo Nambarada Uruka socdaal lagu diyaariyey magaalada Muqdisho si loogu qaato lacagaha Mushaaharaadka ah ee loogu talagalay Ciidanka.

Xiriiro ay lasoo sameeyeen qaar ka mid ah Ciidanka Taliye Farey iyo koox musu maasuqiistiyaal ah ayaa waxay ku war geliyeen in Mushaharaadka ciidanka lagu bixinayo magaalada Muqdisho ayna yimaadaan halkaasi, iyadoo taasi ay si cara leh uga jawaabeen dhalinyaradii xiriirka lala soo sameeyey.

Abaadulaha Ciidanka Cali Baashi oo in badan is hortaagey in si fiican loo qalabeeyo Ciidanka ka dagaalama Nambar 50 iyo deeganada ku xeeran ayaa ku war geliyey taliska Ciidanka in ay kusoo xaroodaan Muqdisho maadaama xeradii ciidanka ee ku tiileyl Laanta Buuro ay baneeyeen ciidankii degenaa oo difaacan waayey xirooyinkooda, waxaana taas lagu micneeyey in Cali Baashii uu Shabaabka u fududeyn rabey in ay qabsadaan Nambar 50.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE