Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Ku Eedeysan Burcad Badeed-nimo Oo Lagu Maxkamdeenayo Dalka Hindiya (Video)

Waxaa maanta Magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ka dhaceysa Maxkamad lasaarayaa 118- dhalinyaro Soomaali ah, Kuwaasi oo Mudo ku xirhnaa Dalkaasi, waxaan ay ku eedeysanyihiin inay ka tirsanaayeen kooxaha burcadbadeeda .

Hadaba goobta ay ka dhaceyso Maxkamadeynta waxaa  gaaray oo Halkaasi Wararka ku saabsan si toos ah Bulshada ugu soo Gudbin doona Wariye Ibraahim Cumar Baafo iyo C.lasalaan Hereri oo kamid ah Saxafiiyiinta Soomaaliyeed  ee ka Howlgala Tv-ga Universal, Waxayna hada  ka warbixiyeen Dacwada Maxkamadu ka Bilaaban doonto,  Sidoo kalana waxaa halkaasi ka hadlay Masuul ka tirsan Safaarada Soomaaliya ee dalkaasi.

Mas’uul ka tirsan Safaaradda Soomaalida ee halkaas ay ku leedahaya ayaa sheegay in Maxkamadda la saarayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu soo eedeyey arimaha la xiriira burcadnimada ay dhaceyso ka dib marar badan oo dib u dhacyo uu ku yimid.

Dhlinyaradan ayaa markii hore gaarayey ilaa 120 qof oo Soomaali ah, inta ay ku jireen Xabsiga waxa Geeriyootey ilaa ;aba ruux oo aan la ogeynt Sababta Geeridooda keentey, mana jirin Dowlada Soomaaliyeed oo dhigeeda Hindiya kula xisaabtameysa dhalinyaradaasi in muda ah aanan helin wax cadaalad ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE