Faafaahinno Laga Helaayo Qarax Gaari Oo Ka Dhacey Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ku waramaya in qarax loo adeegsadey Gaari uu ka dhacey Dehmada Xamar Jajab.

Warar la helayo ayaa tilmaamaya in qarax Gaariga oo noociisu ahaa Harrier uu ka dhacey Buundadad Degmadaasi, kaasi oo la sheegay xilliga uu Maraayey uu qarxay, dad ku sugnaa halka qaraxa uu ka dhacey ayaa ku waramaya in uu ku geeriyoodye hal qof oo wadihii gaariga ahaa.

Lama oga qaraxan in uu ahaa Mid ku talagal loogu qarxiyey Buunadad iyo in uu haa Mid lagu soo xirey Gaariga oo la doonayey in Muwaadinka saarnaa lagu qaarijiyo, sidoo kale weli lama aqoonsan Ninka qaraxa Gaariga ku dhintey.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Amaanka ayaa sheegay in wadaan baaritaan ku aadan cidda iska leh Gaariga iyo halka uu kusii jeediyey, waxaana uu xaqiijiyey in khasaaraha uu geystey qaraxa uu yahay kaliya hal qof oo saarnaa Gaariga.

Weli magaalada Muqdisho waxa ka jira weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagu beegsanaayo Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada fedaraalka iyo dad kaloo shacab ah kuwaas oo aan la ogeyn sababah loo dilaayo iyo cidda dilalkooda ka dambeysa.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE