Faafaahino Laga Helaayo Nin Darawal Ah Oo Maanta Lagu Dilay Gudaha Magaalada Marka (Sawiro)

Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose waxa maanta lagu dilay Allah u naxriistee Nin darawal ka ahaa Gaari ka shaqeyn jiey inta u dhaxeysa magaalada Marka iyo deegaanka Shalambood.

Ninkan Darwalka oo lagu magacaabo Axmed Siidow Balaqow ayaa maanta barqadii deegaanka Shalambood ee duleedka Marka kasoo qaadey Haweney ka shaqeneysay MCH ku yaalla magaalada Marka, waxaana uu soo maray wadada ka timaada Dhinaca Ceeljaalle isagoo sida ku galay Magaalada Marka.

Mooryaan ka tirsan kuwa Habargidir ee la shaqeeya Maleeshiyada Alshabaab ee haaysta Marka ayaa xilli uu ku sugnaa meel kasoo horjeeda Shirkadda Hormuud waxay kala degeen  gaarigii uu watey, iyagoo sida dad goob joogayaal ah ay xaqiijiyeen usoo watey dhinaca Isbitaalka Marka oo xarun  Maleeshiya u ah Mooryaan.

Duhurnimadii maanta ayaa waxa laga warhelay in Ninkan lagu toogtey halka ay iska galaan Sarta Maanta Xaajow iyo Guriga Siidcali Dabruube oo ka mid ah meelaha xilliyada qaar ay ka dhacaan dagaalada Mooryaanta looga soo horjeedo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Marka ayaa kasoo qaadey Meydka Marxuumka oo markii la aqoonsadey la ogaadey in uu u dhashey Beesha Biimaal oo dilkiisa uu qeyb ka yahay dilalka qorsheysan ee afar sano jirsadey ee weli lagu haayo Shacabka deegaanka ee aan hubeysneyn kuwaas oo lagu dilaayo ”maxaad Biimaal u noqotey”.

Sida ay Markacdey.com u sheegeen Ciidamada soo qaadey Marxuumka, waxa jirkiisa ka muuqdey rasaas si wuxushnima ah loogu furey, isagoo weliba ay tilmaameen in uu garba duub u xirnaa xilligii ay soo qaadayeen.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE