Horjoogeyaasha SWISSO KALMO Oo Wado Qorshe Cusub Oo Xasuuq Iyo Barakicin Horleh Loogu Geysanaayo Shacabka Magaalada Marka(Warbixin)

Iyadoo hey’ad Beeleedda SWISSO KALMO lagu yaqiiney  hurinta colaadda iyo barakicinta Shacabka magaalada Marka ayaa horjoogayaaashii Mooryaanta ka dagaalanta hadda waxay wadaan dadaal ah sidii ay ku badbaadsan lahaayeen masiir hey’adooda.

Sida aan ku helnay warbxinno xasaasi ah, horjoogayaashs Swisso Kalmo ee kala ah Cali Cilmi iyo Cabdi Cabdulle ayaa markan waxay wadaan sdiii ay u bilaabi lahaayeen qorshihii ay ku badbaadin lahaayeen jiritaanka SWISSO KALMO  oo lumisey kalsoonidii shacabka iyo shaqooyin ay ka rajeeneysey inay kasii qabato Gobolka Shabeelada hoose.

Warbixinada aan heleyno ayaa waxay sheegeyaan in horjoogayaasha SWISSO KALMO ee Mooryaanta Habargidir ku biila barakicinta magaalada Marka ay wadaan isku dey ah inay raadiyaan wadadii ay ku heli lahaayeen Wadahadal lala galo Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha Biimaal si ay u helaan xasilooni u suurta gelineyso sii wadidda barakicinta iyo xasuuqa shacabka magaalada Marka.

Shir gaar ah oo magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Cali Cilmi iyo Ibraahin Cali ayaa ka wada xaajoodey sida loo bilaabi karo wadahadal labada dhinac ay isugu yimaadaan si ay uga wada hadlaan xalka, waa hadii ay jiraan qodobo ay ka tanaasuli karaan dadka deegaanka oo u dulman SWISSO KALMO (Megdo).

Labadan shakhsi 00 saacadooyin badan wada qaatey ayaa isku dayada ay wada jirka ka ahaayeen waxa ka hor ymid caqabad braahin Cali Xaaji ku qasabtey in uu u deyriyo Cali Cilmi oo gacanta uu ka taagto in wadahadal ay yeeshaan Biimaal iyo Habargidir uu geli karin.

Sababaha naloo xaqiijiyey ee Ibraahin Cali Xaaji uu uga harey arintaas ayaa tilmaameysa in ay jiraan fashillo hore oo ka qabsadey shirar iyo shirqoolo dhaqaale badan uu ku qaatey  oo uu socodsiin waayey kuwaas oo markii dambe u cadaatey in kooxihii wakiilka uu ka ahaa in wax ma gooye uu ka yahay Beesha Biimaal gudaheeda.

Magaalada Muqdisho waxa hadda ku dhex wareersan Cali Cilmi oo aan ogeyn halka laga bilaabi karo wadahadalka ujeedkiisu yahay in uu ku ilaashado masaalixda Swisso Kalmo isla markaasina uu ku qaato dhaqaalaha lagu barakiciyo Shacabka magaalada Marka, iyadoo ku dhawaad toban ruuux (10) oo shacab ah si bareer ah looga toogtey dhismaha ay degentahay SWISSO KALMO.

Dhismaha Magaalada Marka y ka degentahay SWISSO KALMO waxaa xilligan waardiye ka horjooge lagu magacaabo Cabdilaahi Cabaas oo hal qori PKM ku haysto, waxaana ku wehliyo ilaa dhowr Mooryaan Habargidir ah.

Sababaha la dhihi karo in dhagarqabe Cali Cilmi uu galo wada hadal ayaa waxa lagu maicneyn karaa dhowr arimood oo ay ka mid yihiin fashilka duulaanka gardarada ah ee isagoo kaashanaayo mooryaanta beeshiisa ku soo qaadeen deegaanada beesha Biimaal kaasi oo hadda meel gabaabsi ah maraayo iyadoo aan la gaarin hadafkii duulaanka marka laga reebo khsaare iyo burbur hantiyadeed.

Waxa kale oo la leeyahay sababaha wadahadalka ku qasbi kara inay tahay dagaal siyaasadeed u dhaxeeya Mooryaanta oo markii ay ku jabeen dagaalada ay kula jiraan Beesha Biimaal u wareegtey in ay qabsadaan kooxaha ku qasbi jirey dagaalada oo xilligan dhaqaalahooda uu go’ay.

Waxaan soo gudbin doonnaa Xogo dheeraad ah oo ku saabsan wadahadalka iyo shirqoolka cusub ee Cali Cilmi oo kaashaanaayo dulaaliin Biimaal ah ay Muqdisho ku diyaarinayaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE