Ra’isalwasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Oo Hortagi Doona Labada Gole Ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Ra’salwasaaraha Cusub ee xukuumadda Fedaraalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxa lagu wadaa in uu hortago Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo dhwaan uu magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maalmihii lasoo dhaafey wadey kulamo iyo wadatashiyo uu la lahaa Xildhibaanada labada Gole ee Beesha Hawiye si kalsoonida uu uga helo, sida wararka ay sheegayaan waxa loo balan qaadey in uu si aan hagar la’aan ah in loo siin doono codka.

Maalinta Berri ah oo bisha ay ku beegantahay 1-da Maarso ayaa waxa lagu wadaa in Ra’isalwasaare Kheyre uu hortago Labada Gole ee Baarlamaanka si codka Kalsoonida uu u weydiisto, sidoo kale halkaas ayuu ka aqrin doonaan waxqabadka Xukuumadda uu soo dhisi doono.

Raisalwasaaraha Soomaaliya ayaa looga fadhiyi doonaan hadii uu soo dhiso Xukuumad taya leh oo badbaadisa dalka hadii uu helo codka Kalsoonida Labada aqala ee Baarlamaanka, xukuumadda Cusub ee lasoo dhisi doono ayaa dhankeeda looga fadhiyi doonaa sidii ay u fulin laheyd balan qaadka Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Sooaaliyeed Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shalay warbaahinta ka sheegay in maalinta Arbacadaha auu furmo doono kalfadhiga Baarlamaanka ee sida wadajirka ah ay u fadhiisan doonaan Labada Gole ee Baarlamaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE