Shariif Sakiin Oo Lagu Wado Inuu Isku Shaadheyn Ku Sameeyo Golaha Wasiirada Ee Maamulkiisa (Warbixin)

Hogaamiyaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay haaystaan culeysyo siyaasadeed oo uu kala kulmayo gudaha iyo banaanka ayaa wadada dadaalo ah sidii uu u sameyn lahaa wajiyo cusub oo uu ku difaaco siyaasaddiisa.

Warar hoosaad laga helaayo Madaxtooyada Baydhaba ee Shariif Sakiin uu ku shaqeeyo ayaa sheegaya in isku shaadheyn lagu sameyn doono dhamaan Wasiirada Koonfur galbeed oo hadda gaaraya ku dhawaad Todobaatan Wasaaraooda (70), waxaana laga yaabaa in ay daaqadda ka baxaan inta badan Wasaaiarada.

Marka laga reebo ilaa dhowr Wasaaradood oo ka hoos shaqeeya Shariif ayaa jira sida Wasaaradda Arimaha Gudaha, Amniga, Beeraha iyo kuwo kale, waxaana jira kuwo si magac u yaala ah u magacaaban oo aana haaysan Xafiisyo iyo dhaqaale ay ku howgalaan.

Kulan dhawaan dhex maray Shariif Sakiin iyo Xildhibanaada Mucaaraddaka ah ee ku kacsan hogaankiisa ayaa waxa uu ku andacoodey in isbedel dhab ah uu ku sameyn doono Golaha Wasiirada ee laga cabanaayo, isagoo dhinaca kale balan qaadey in uu soo dhici doono xukuumad kooban oo badbaadisa deegaanada Konfur galbeed.

Xogaha lagu kalsoonaan karo ee aan heleyno ayaa intaa ku daraya in Wasaaradaha lagu magacaabi doono shuruudo ah in ay ku shaqeyaan awaamiirta Madaxweynaha iyadoo la keeni doono shakhsiyaad ku cusub Maamulka oo banaanka ka imaan doono.

Wasiiradii uu soo dhisey Shariif bilowgii sanadii 2015-kii oo u badnaa qurba joog ayaa intooda badan ku laabtey dalalkii ay ka yimaadeen ka dib markii ay arkeen maamul u shaeenaya sida kooxo maafiya ah oo hogaankeeda uu haayo Hogaamiye kooxeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE