Shir Looga Soo Horjeedo Mid Maalin Ka Hor Lagu Qabtey Muqdisho Oo Maanta Lagu Qabtey Guriga Ibraahin Cali Xaaji (Warbixin)

Maalintii Axada ee ku beegneyd doraato magaalada Muqdisho waxa shir ku yeeshay Odayaal dhaqameed iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha Biimaal kuwaas oo ka waramey colaadda Magaalada iyo saameynta abaartu ay ku yeelatey dadka iyo duunyada.

Shirkaas oo ay ka muuqdeen duubabka dhaqanka ee Beesha oo wada jir ah iyo siyaasiyiin ayaa waxa Baaq loogu jeediyey hogaanka cusub ee dowlada Soomaaliya oo looga digey inay ka tala qaataan kooxo maafiya ah oo magaca Beesha Biimaal ugu jira siyaasadda dalka kuwaas oo lug-goynta iyo ka shaqeynta magriga usoo taagan.

Duqeyda Shirka ka hadashey ayaa muujisey in Beesha Biimaal aanay matalin Xisbiga Sharta ah ee uu hogaamiyo Ibraahin Cali Xaaji oo ay ku mideysanyihiin Siyaasiyiin iyo Odayaal dhuuni ah oo ah baqal loo tuuro, kuwaas oo aanan ka tarjumin sida madasha laga sheegey masiirka Beesha Biimaal.

Dhinaca kale shir looga horjeedo baaqii maalin ka hor ayaa maanta waxa lagu qabtey magaalada Muqdisho gaar ahaan Guriga Ibraahin Cali Xaaji oo ku yaalla Degmada Xamar Jajab, meel ku dhow Iskuul Buliisiyo halkaas oo leysugu keenay inta badan xisbiga Sharta ee hogaankooda uu haayo qab qable Ibraahin Cali Xaaji.

Shirka marka hore waxa lagu muujiyey taageerada iyo soo dhaweynta Dowlada cusub, waxaana dhanka kale baaq iyo qeyla dhaan loogu direy in Beesha Biimaal hogaankeeda iyo siyaasiyiinteedu ay ku kulansanyihiin Guriga Ibraahin Cali Xaaji oo loogu yeerey Jagadii uu taabsadey.

Waxa shirka ka qeyb galay sideed xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka labada aqala ee dowlada Fedaraalka, waxa ka maqnaa oo shirkaas dhaliilay Santer Axmed Maclin Nadiir oo dulmi iyo baadil ku tilmaamey in laga tala maqlo burcad boobtey hogaankii dhaqanka ee soo jireenka ahaa ee Beesha Biimaal, waxa sidoo kale shirka joogey Xildhibaanada Maamulka Koonfur galbeed oo uu ka maqnaa Xildhibaan Maclin Bare oo ay kala rarteen Saaxiibkiisii hore.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE