Wareysi Uu Bixiyey Madaxweyne Gaas Ayuu Kaga Hadley Xasaradaha Puntland Iyo Kacdoonka Looga Soo Horjeedo (Video)

Madaxwyanaha maamulka Puntland C.wali Gaas ayaa Waraysi uu bixiyey wuxuu uga hadlay arimo kala duwan oo Quseeya Puntland iyo Isbadalka Dawladda Dhexe ee Soomaaliya oo Rajo wanaagsan uu ka muujiyey, waxaana ugu horayn wax laga waydiiyey waxyaabaha u Qabsoomay maamulkiisa inta uu Xilka Hayey.

C.weli Maxamed Cali Gaas ayaa wuxuu ka hadlay Culayska uu leeyahay Xilka Madaxwayne,  Wuxuuna sheegay in Fekerku Badan yahay, Balse Qofkasta oo u yimaada uu War naxdin leh kuu wado ayuu sheegay, Wuxuuna sheegay inuu la kulmay waxyaabo badan oo aanu Filayn.

Waxaa wax laga Waydiiyey Diyaarada uu inta badan Saaran yahay, Wuxuuna sheegay in Safarkiisa midka ugu badan uu ku tagay deegaanada maamulka Puntland, Isagoo sheegay inuusan jirin madaxwayne tagay,  Sidoo kalana Gobolada kale ee Soomaaliya ayuu sheegay inuu u tagay danta Qaranka, Sidoo kalana Safarada Dalalka Debeda ayuu sheegay in  loo baahan yahay in Puntland la Gado. “Soomaaliya way bur-burtay, Laakiin Puntland way ka duwan tahay, Khayraad badan ayaa ku jira, in la Gado ayay u Baahan tahay”.

C.wali Gaas wuxuu  hadlay Xaalada kacsan iyo Siyaasadaha looga soo Horjeedo, Wuxuuna sheegay inaan Cid gaar ah wax lagu yeeli doonin Balse ay Puntland oo dhan wada saamayn doonto, “Puntland  uma baahna buuq, xasarad, uma baahna nin dan leh inuu dadka kiciyo, waxay u baahan tahay, iyadoo mid ah oo danteeda raadsato, degenaansho, nabadgelyo iyo horumar”ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE