Xorowga Qaranka Soomaaliyeed Iyo Baroorta U Adeegaha Gumeystaha W/Q Yuusuf Cumar

Dawalad soomaaliyeed ee shaqaysa amaanka dalkana ilaalisa cir iyo dhul iyo badba oo shacabka difaacda waxaa u danbaysay 1991 dii.maxaayeelay waxaa inaga guulaystay cadawgeenii shisheeye ee isticmaarka ahaa oo inagu dhex samaystay kuwo adeegayaal hooseeya ah oo aakhirkii sababay in aynu burburo una kala baxno qabiilooyin. tani waxay sababtay in la waayo dawladnimadii nin walbaa ninkuu dhicikaro dhaco kuu dili karana dilo hubkii dawladuna uu gacanta u galay shacabkii iyo wax magaratadii caruurtii iyo cidwalba.

Waa wax dalwalbaa leeyahay in dadka qaar dalkastaba ay diyaar u yihiin in ay iibsadaan diintooda,dadkooda,iyo dalkooda oo dhaafsadaan lacag.dadka noocaan ahi waxay ku qanacsan yihiin u adeegid shisheeye oo kaliya.waxaa kasoo horjeeda oo laga helaa dalwalba dad wadaniyiin ah oo aan lacag iyo waxkastoo lasheego aan dhaafsanayn diintooda,dalkooda iyo dadkooda.Had iyo jeer waxay leeyihiin iimaan,isku kalsooni,gobonimo iyo sharaf waxayna jecel yihiin in aysan aqbalin fikirka shisheeye iyo isticmaarka. dal walbaa labadan qolo ayuu leeyahay.

Kuwa adeegaha ah ee hooseeya ee shisheeya u shaqeeya iyo gumastuhu waxay leeyihiin oo kamid ah beelwalba oo soomaaliyeed oo labadii aabe iyo hooyo wada dhashay ayaa kala duwan.sidoo kale kuwa sareeya ee leh diinta iyo iimaanka iyo qabka iyo wadaniyada oo diida isticmaarka waxaa kamid ah beelwalba oo soomaaliyeed labadii aabe iyo hooyo dhashay ayaa kala duwan.markaa dabadhilif iyo wadani qabiilkasta oo soomaaliyeed waa laga helaa.hadaba mudo dheer waxaa dalkeena ka jiray adeege ama khaadin isticmaarsi inagu dhex yeeshay oo sii kharabiyay uun xaalada dalkeena mudadaas aadka u dheer.

Maanta ragbaa inoo kacay soomaaliyeed oo leh wadaniyad buuxda,iimaan karti oo geesiyaal ah.shacabkii soomaaliyeed ee wadaniga ahaa ayaa dal iyo dibadba iska tuuray heeryadii gumaystaha oo dhab u xoroobay.waxaa meesha kabaxay isticmaarkii iyo kaysoo dirsadeen dabadhilifka ahaa.waxaa is helay shacabkii iyo dawladii oo isla jaan qaaday sida ay ku dhaqmaan dawladaha xorta ah oo horumaray. qaran jira iyo dawlad jirta maha dawlad laga ilaalinayo shacabkeeda oo shisheeye kukala dhex jiro.In illaahay qaranimadeenii iyo karaamadii umada soomaaliyeed soo celiyay waxaa daliil u ah shacabkii soomaaliyeed oo cod dheer dal iyo dibadba ku dalbaday in la doorto mudane maxamed cabdullahi farmaajo oo ay ku kalsoonyihiin aaminimadiisa wadaniyadiisa iyo shaqadiisa. aqalkii sare iyo golihii shacabku waxay ka fiirsadeen si ku dheheen aqoon iyo aqli iyo wadaniyad buuxda ayay u gafikireen sideen codkeena u bixinaa? halkeen ku bixinaa? waxay dareemeen bulhaanka iyo guuxa iyo dhawaaqa shacabka soomaaliyeed waxayna go aan sadeen inay ka jawaabaan dhawaaqa,ka fiirsi iyo u kuur galid madaxdii sharaxnayd haday ee geen waxa u soo baxay in ninka uugu mudan maanta ahna hogaamiye qaran oo xilkas ah in uu yahay kaa dadwaynuhuna rabaan sidaa ayay ku doorteen oo ku soosaareen.

baarlamaanka qaranka soomaaliyeed waxa uu yahay hada mid shacabka soomaaliyeed dhab u aamin san yahay oo xalaal ah oo wadani ah waana sidan sida laga rabo wadan iyo qaran jira.cunto waa lahelaa dadnimaa larabaa.baarlaaamanka soomaaliyed ee aduunka maanta ku leh haybada iyo karaamada nin walbaa ka cabsanayo waxay dib u xoreeyeen soomaaliya oo ka dhigeen dal iyo dad jira.aduunka intay noolyihiin kuligood waanu ilaashanaynaa geesiyaashaa inoo kacay kii dhintana illaahay baan uga baryaynaa in uu geeyo janadii fardawsaad.maxaayeelay dawlad la aan wax ka xuni majiro.baarlamaanku waxay noo ansixiyeen laba geesi oo wadaniyiin ah waa farmaajo iyo khayre maanshaa allaah.kuwii u adeegaya gumaystaha iyo isticmaarku iyagoo wajigoodii madoobaday nacdal ku dhacday darteed ayay baroor kusuganyihiin iya goo ka xun soomaaliya oo yeelatay dawlad wanaagsan oo wadaniyiin majaraha u hayaan.

TALO ODAY RUUG CADAAYA ANIGOO AH

Dawlada mid baan leeyahay shacabkana midkalaan leeyahay.

1.Dawladu ha noo dhisto ciidan naga qabta cadawga gudaha iyo kan xuduudaha dalka bad iyo bari iyo cir difaaca.sababo jiro awadeed iyo xaalada dalkeena awgeed ciidanku waa in uu helaa mushaharka dalka laga bixiyo kan u sareeya marka laga rabeebo maskaxda dalka oo ah madaxwaynaha,raysalwasaara ama afsoomaaliga ku ah madaxa wasiirada, xukuumada iyo labada aqal.dawlad waa ciidan dalna waa ciidan lama oronkaro dawlad dal aan xuduudiisa difaacankarin nabad galyada gudaha ee shacabkana aan kagacan bir ah ku qaban karin. dhaqaalaha dalka waa in ciidanka lasiiya 3 meel laba meel waa waajib.

2.Shacabka mid baan leeyahay oo ah isticmaarku waxa uu inoo kala qaybiyaa qabiilo iyo jiifooyin ku dhamaada laba kala bah ah.intaynu is cunayno dhexdeenu oo is xasdayno oo  isdilayno oo is qabyaaladayneyno ayuu inaga faa iidaysanayaa.26 sanadood baynu isdilaynaa maxaan ka faa iidnay oo aan ahayn gaajo,cudur,qax isla hadal waali iyo doorsoon diin iyo dhaqanba ah.waxaad fahantaan shacabka soomaaliyeed hadaynu nahay isticmaarku dadkuu inagu dhex abuuray ee fikirkuu raba ku shaqeeya fahma.waxaa lagu gartaa marwalba waxa uu ka sheekeeyaa qabiil,waxa uu liidayaa qabiilooyinka qaar,waxa uu amaanayaa qaar!! macnahaasu waa in shacabku uu san aaminin dawlad dhanba iyo nidaam ee uu aamino qabiilkiisa in uu ka mudan yahay qabiilada kale oo dhan.shacabka aduunku waxay ilaashadaan dalkooda oo wixii duminaya markiiba dawladay u sheegaan iyo hay adaha amaanka sida booliiska iyo nabad sugida qaranka.hadaad aragtaan mid qabiil dadka u sheegaya soo sheega markiiba,hadaad aragtaan dad shiraya ogaada dadkoo dhami ma wada xuma ee ka shirka abaabulay ayaa la rabaa soo sheega waayo shir dalkeena lagu duminayo oo qabiil waa xaaran soo sheega,. hadana dunidu waa hormartay soo duuba. waa in aan ogaanaa yaa dadka kicinaya oo isku diraya dal iyo dibadba oo diiwaan gaara galinaa cadawgaas. waa in aan dawladeena la shaqaynaa si ay inoo difaacdo. canshuurtana waa in aan bixinaa si amaankeena loo ilaaliyo oo ciidankeena loo siiyo mu shahar ku filan.

Waa in aan ka qayb qaadanaa sifaynta dadka qabiilka loo soo dhiibay ee isticmaarku inagu dhex beeray ee u adeegaya kuwaas dabargooyntooda.qofwalbaa ha fiiriyo qofka soomaaliya ka hadlaya arimaheeda sida uu u hadlayo hana hubiyo ma adeegaa qabiil wadaa mise waa wadani dhab ah oo jecel dawladnimada soomaaliya? dadkaa waa la baadi goobayaa soo sheega mana aha dad badan waa sun inagu dhex jirta oo lasoo afjarayo dhawaan.dumarka,raga,dhalinyarada gabdhaha iyo wiilasha,odayaasha iyo hooyooyinkuba waa in ay kan wax shiriya iyo kan qabiilka ku sheekeeya soo sheegaan maxaayeelay amaanka dalka ayuu khatarku yahay iyo dawladnimada soomaaliya waana waxa dalkeena burburiyay ee heerkaa gaarsiiyay ee baa bashay. shacabka shaqadaas waa kuwaajib muqadas ah oo aan laga tagi karin.


Yuusuf Cumar  Mashruuc5@hotmail.com

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE