Xubno Ka Tirsan Gudiga Gurmadka Abaaraha K/Galbeed Oo Lunsaday Lacagtii Loogu Talo Galay Shacabka Degada Marka Ayaa Lagu Xiray Saldhigga AMISOM Ee Ceeljaalle

Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Maamulka Koonfur galbeed ayaa shalay waxay gaareen deegaanka Ceeljaale ee duleedka magaalada Marka. waxaana halkaas ay geeyeen lacag loogu talagalay dadka ay abaartu saameysey.

Lacag gaareysa $8,300 oo doolarka Mareykanka ah, taas oo degma kasta loogu talagalaey in loo qeybiyo dadka ay haayso Abaarta ayaa gudigu ay geeyeen Ceeljaale, iyadoo markii hore uu is qab qabsi uu ka jirey sida loo qeybinyao iyo cidda qaadeysa mas’uuliyadda dadka deegaanka degen ee loo socdey.

Gudoomiyha Gudiga Abaaraha Madoobe Nuunow Maxamed, Wasiir Maclin Jiiska Wasiirka Dhirta iyo daaqa k/galbeed, Wasiirka Naafada iyo Gargaarka K/glabeed Cabdulaahi Muuse,  Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose Ibraahin Najax iyo Gudoomiye ku xgeenka dhinaca Siyaasadda Shabeelada hoose Xasan Abuukar Jimcaale Shiino ayaa ku kala aragti duwanaa qeybinta lacagaha abaaraha iyagoo ku sugan Xerada deegaanka Ceeljaale ay ka degentahay Amisom.

Deegaanka Ceeljaale ayaa waxa lagu qeybiyey kala bar lacadagaha Gudiga uu wadey oo raashiin lagu iibiyey, iyadoo lacagihii soo harey Gudigu uu sheegey in loo qeybinayo Shacabka, waxaana loo xil saarey Cabdulaahi Muuse Abuukar iyo Xasan Abuukar Jimcaale Shiino oo labadooda ku kala magacaaban Wasiir koonfur galbeed iyo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelada hoose.

Maanta gelinkii dambe ayaa waxa soo baxey warar sheegayey in la lunsadey lacagii loogu talagaley magaalada Marka oo ay leexdeen Shakhsiyaadka loosoo dhiibey iyo xubno kale oo weli aan la shaacin, iyadoo isla shaley gelinkii dambe Gudiga Abaaraha ee uu hogaaminayey Madoobe Nuunow ay u gudbeen Degmada Qoryooley si halkaas ay uga sii wadaan qeybinta lacagaha Abaaraha.

Warar soo baxaya caawa ayaa ku waramaya in Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Xasan Shiino iyo Wasiir Cabdulaahi Muuse lagu soo celiyey Xerada Ceeljaale oo maanta laga soo reebey Gudigii ay la soceeen iyagoo ku eedeysan lacagaha Abaaraha ee shacabka degmada Marka, waxa lasoo sheegayaa in xilligan ay ku xanibanyihiin Xerada Amisom ee Ceeljaale oo la weydiinayo halka ay ku baxdey lacagta loo dhiibey.

Dhinaca kale Amar kasoo baxey Hogaamiyaha Koonfur galbeed oo ka ordaaya fadeexad iyo ceeb ka raacda qeybinta lacagahan ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha K/glabeed ku amrey in uu soo saaro wareegto uu Gudiga kaga mamnuucayo Cabdulaahi Muuse iyo shaqa ka joojin si kumeel gaar ah loogu sameenayo Gudoomiye ku xigeenka Siyaasadda Gobolka Xasan Shiino.

Lacagta la lunsaday ayaa gaareyso $4,150 (afar kun boqoll iyo konton dollar ) taasoo ah kala bar lacagtii loo qoondeeyey shacabka degmada Marka ee ay abaaraha saameyeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE