Dhageyso Macalin Barre Oo Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Ku Eedeeyey Lunsiga Gargaarkii Loogu Talo Galay Degmada Marka Ee Gobolka Sh/hoose

Axmed Macalin Barre, Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay isqab-qabsiga soo dhex galay gudiga Gurmadka Abaaraha K/Galbeed kadib markii la lunsaday qayb ka mid ah  gargaarkii loo qoondeeyey in la gaarsiiyo degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiir Macalin Barre ayaa Shariif Xasan Sheekh Aadan ku eedeeyey inuu ka dambeeyo lunsiga gargaarkii loogu talo galay degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE