Gudoomiye Maxamed Yariisow Oo Iska Fogeeyey Gargaarkii La Leexsaday, Sheegeyna In Maamulka K/Galbeed Uu Musuqmaasuqay Gargaarkii Shacabka Degmada Marka(Video)

Gudoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cismaan Cali Yariisow oo warbaahinta kula hadlay magaalada Marka ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeeray Gudiga Gurmadka Abaaraha K/Galbeed kaasoo la xiriiray gargaarkii degmada Marka loogu talo galay ee uu isaga leexsaday.

Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in gudiga Gurmadka Abaaraha K/Galbeed horey u qorsheeyeen in la musuqmaasuqo raashinka gargaarka degmada Marka kadib markii ay diideen inay la soo raaciyo xildhibaanada Baarlamaanka maamulka K/Galbeed ee kasoo jeedo degmada Marka.

Wasiirka Arimaha Gargaarka K/Galbeed Cabdi Muuse Abuukar oo shaley la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in gargaarkii la lunsaday loo soo xiray Maxamed Cismaan Yariisow, balse Yariisow ayaa si adag uga horyimid hadalkaas.

Hoos ka daawo Muuqaalka gudoomiye Yariisow

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE