Wasiir Cabdulaahi Muuse Abuukar Iyo Gudoomiye Xasan Shiino Oo Weli Ku Jira Xerada AMISOM Ee Ceeljaale Iyadoo Laga Sugaayo Halka Ay Ku Baxdey Deeqdii La Lunsadey

Waxa weli ku xaniban Xerada Ciidanka AMISOM ee Ceeljaale Mas’uuliyiintii dhawaan lunsadey Lacagahii loogu talagaley in loogu Gargaaro dadka ay saameysey Abaarta ee ku dhaqan qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelada hoose.

Maalintii Afaraad ayaa Mas’uuliyiinta kala ah Cabdulhaai Muuse Abuukar iyo Xasan Abuukar Jimcaale Shiino ay ku jiraan Xerada AMISOM, waxaana lagu amrey in ay meel ku sheegaan lacagaha maqan.

Sida aan ku heleyno warbixinta Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Gudoomiyaha uu u yahay Madoobe Nuunow Maxamed ayaa magaalada Marka iyo deegaanada hoos yimaada ugu talagaley lacag gaareysa sideed kun iyo afar boqol oo doolar ($8400).

Deegaanka Ceeljaale ayaa waxa laga bixiyey raashiin lacagtiisa lagu sheegey Seddax kun todoba boqoli iyo afartan doolar ($3740), halka inta kale ee soo hartey oo gaareysa, afar kun lex boqol iyo lexdan doolar ($4660), gudigu ay qorsheeyeen in lagu bixiyo magaalada Marka, waana taas lacagta la musuqmaasuqey oo ay lunsadeed  mas’uuliyiinta xaniban.

Waxa jira Hadalo ay warbaahinta siiyeen qaar ka mid ah dadka ku eedeeysan musuqmaasuqa lacagaha Gargaar ee loogu talagaley dadka ay abaartu saameysey kuwaas oo weli warbaahinta aan ka sheegin xaqiiqda jirta iyo lacagaha maqan meesha lagu bixiyey.

Gudoomiye Maxamed Maxamed Cusmaan Cali Yariisow oo labada Mas’uul ee eedda loosoo jeediyey ay ku sheegeen in lacagta Marka loogu talagaley ay u dhiibeen ayaa xaley lagu soo waramayaa in uu ku hoydey Gurigiisa, waxaana Wasiir Cabdi Muuse iyo Gudoomiye Xasan Shiino ay weli raadinayaan lacagaha ku maqan.

Waxaan soo Gudbin doonaa sababtii ka dambeysey in labadan Mas’uul ay ka midka noqdaan Gudiga Gurmadka Abaaraha oo loo reebey Xildhibaanada Gobolka u dhashey  ee K/galbeed iyo Kaalinta Ibraahin Cali Xaaji uu ku leeyahay Musuqmaasuqa hada taagan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE