Ciidan Cusub Oo Tawabar Kusoo Qaatey Dalka Jabuuti Ayaa Maanta Dib Ugu Soo Laabtey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Saraakiil towabar kusoo qaatey dalka Jabuuti oo lasoo barey Leyli Sarkaal ayaa maanta waxa ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Saraakiil isugu jira Cadaan iyo kuwo Jabuutiyaan ah ayaa Saraakiishan mudoo lex bilood ku dhow Tawabar ku siinayey dalka Jabuuti, waxaana maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Saraakiisha Boliiska oo xaflad kooban ugu qabtey Garoonka Aadan Cadde.

Dowlada Jabuuti oo beri samaadkii ka midka aheyd Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, waxaana ay aad u taageereysaa in Soomaaliya ay hesho Ciidan Amaanka kala wareega dowladaha Ajnabiga ee Soomaaliya ku sugan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE