Marwada Madaxweynaha Dalka Oo Munaasabadda 8-Da Maarso Ugu Hambalyeysey Haweenka Soomaaliyeed (Video)

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Marwo Seynab Cabdi Macalim oo la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay inay Hambalyo u dirayso dhamaanba Haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan dunida.

Marwada Dalka ayaa sidoo kale Haweenka Soomaaliyeed ugu baaqday inay isku duubnaadaan oo ay u midoobaan hormarka dalkeena, Sanad kasta maanta oo kale ayaa Haweenka Soomaaliyeed waxay xusaan Maalinta 8­ da Maarso oo ku asteesan maalinta Haweenka Aduunka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE