Shirakadda Hormuud Oo Weli Qeyb Ka Ah Colaadda Ay Kula Jirto Shacabka Shabeelada hoose, Iyo Dagaal Ooge C.kariin Shiino Oo Warbixin Been Abuur Ah Gudbiyey (Warbixin)

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka midah shirkadaha ka howlgala Gobolka Shabeelada hoose ayaa sii xoojisey musuqmaasuqa iyo dagaalka ay kula jirto Shacabka Gobolkaaas ku dhaqan.

Xarunta ay ku leeyihiin magaalada Marka oo Mukulaal Madow uu ka yahay Dagaal Ooge lagu magacaabo C.kariin Shiino ayaa sanadihii ay socdeen dagaalada waxa kaalin mug leh uu ku lahaa dagaalada barakicinta iyo boobka Hantida Shacabka.

Shaqaalaha Hormuud qaarkood oo lagu ogyahay in ay toos uga qeyb qaataan dagaalada Marka ka socda ayaa hadane C.kariin Shiino wiilkiisa lagu abaal mariyey dil barer ah oo u Geytsey Allah u Naxriistee Xasan Maxamed Abow (Xasan Qaran).

Xarunta Marka ay ku leeyihiin ayaa waxa si kumeel gaar ah Mamaule looga dhigey Nin lagu magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan oo ka amar qaata Dagaal ooge C.kariin Shiino oo Muqdisho Hormuud ay ku biisho, isagoona wax laga weydiiyo tallooyinka xarumaha Gobolka ku yaalla qaarkood.

Warar xog ogaal ah oo ay heleyso Shabakadda Markacadey.com ayaa sheegaya in Hormuud guud ahaan Gobolada ay ka jirto Abaarta ay ugu talagashey lacago gargaar ah si dadka loogu qeybiyo raashiin ama waxyaabaha ay u baahanyihiin.

Xarunta Marka ku taalla ayaa warbixin ay gudbisey oo uu ku saxiixanyahay Dagaal ooge C.kariin ayaa waxa ku qornaa in wax abaar ah aaney ka jirin deegaanada Marka hoos yimaada iyo guud ahaan inta u dhaxeysa Shalambood ilaa Afgooye.

Dagaal Ooge C.kariin oo dagaal wajiyo badan leh kula jira dadka dega deegaanada Gobolka Shabeelada hoose ayaa difirey saameynta Colaadda iyo barakaca ay ku yahaan Shacabka aan hubeysneyn.

Maxamed Cabdiraxmaan Wakiilka dagaal ooge C.kariin ayaa waxa gacanta loo geliyey lacag gaareysa ku dhawaad $20,000 si wax looga qabto Abaarta ka jirta Marka iyo deegaanada hoos yimaada.

Shakhisigan oo howshiisa ay tahay in uu qaato wixii loo meeriyo laguna xukumo (qeybi oo xukun) ayaa lacag gaareysa 2500 doolar ugu talagaley in uu ku bixiyo magaalada Marka iyadoo lacagta kale ee soo hartey loo gacan geliyey Maxamuud Cusmaan Cali (Qaraf) oo Mooryaanta ugu magacaaban Zaadka dagaal gelinta.

Dadkan oo laga hor istaagey in ay helaan gar gaar ayaa deegaanada kala ah Muuri, Nambar 50, Buushka, Ceelwareegw, Buufow iyo meel kale ayaa laba jeer la kulmey barakac, markii ugu horeysey ayaa sida la wada ogyahay waxa barakciyey Maleeshiyaad wata magaca Qabiil halka barakcii labaad ay u geysteen Maleeshiyaad sheeganaya Alshabaab, guryahaya iyo Ceelasha ayaa labada jeerba waxay noqdeen kuwo la gubo iyadoo aanay jirin wax gaar gaar ah oo dadkan lasoo gaarsiiyey.

Maxamed Cabdiraxmaan oo deegaan ahaan aan Marka u dhalan ayaa la dhihi karaa wuxuu qeyb ka yahay dagaalka barakicinta iyo Boobka Beesha Biimaal waxaana uu ku sifowbey dhaqamada ay leeyihiin kaaba Mooryaanada iyo dagaal oogayaasha gacmahooda uu ka da’aayo dhiiga Shacabka.

Shakhsigan oo ka amar qaadanaya dagaal ooge C.kariin Shiino ayaa loo diidey in uu wado ahaan uu u maro deegaanada ay amaankooda sugaan Ciidamada Beesha Biimaal, waxaana uu ka wareegtaa Afgooye, Tusaale ahaan Marka uu rabo deegaanka Shalambood waxa uu garai u raacaa Muqdisho isagoo sii mara wadada xeebta ah ka dibna uga sii gudba Afgooye, Awdheegle ilaa deeganada Kabtaanka.

Ujeedada ka dambeysa in uu sidaa yeelo ayaa waxay tahay in uu suurad xumeeyo magaca Ciidamada deegaanka oo dagaal oogayaasha iyo Mooryaanta ku wehlisa dagaalada ay aaminsanyihiin ay dilaan shakhsi kasta hase ahaatee taasi xaqiiqda ay ka fogtahay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE