Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed Oo Ka Cabsi Qaba In Uu Xilkiis Ku Waayo Hadalkii Uu Ku Taageerey Xasan Sheekh (Video)

Xukuumaddda cusub ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay isbadal weyn ku sameyso hoggaanka
Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Taliyaha Booliska uu noqon doono mas’uulka ugu horeeya ee isbadalka saameyn doono.

Taliyaha booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo bishii Dicembar xafladdii dabaaldega maalinta booliska Soomaaliyeed oo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sugnaa, isagoo markaasi si cad uctaageeray madaxweyen Xasan Sheekh. “Madaxweyne saddex sarkaal oo baarlamaanka soo gala codkooda waa ku tashaneysaa.”.

Kalmadaasi oo dhalisay eedeymo ay murashaxiintu usoo jeediyeen saraakiisha ciidamada ee ku lug yeeshay ololihii doorashada, Wuuxuna hada sheegay in Kalmadaasi ay si Khalad ah uga soo baxday Afkiisa, Maalintaasina ay Farxadu ka badatay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE