Wasaaradda Haweenka Maamulka K/galbeed Oo Munaasabadda Maalinta Haweenka Ku Qabatey Magaalada Baydhabo (Sawiro)

Wasaarada Haweenka ee Maamulka K/galbeed ayaa Maanta Munasabad ay soo abaabushay ku qabatay Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar u ah Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Xuska 8-da Maarso oo ku beegan maalinta Haweenka Caalamka.

Musaabada ayaa waxaa loo qabtay 1000 haween ah oo ka kala yimid Ururada Haweenka Konfur galbeed waxaa kasoo qaybgalay Madaxweeynaha iyo labada Gole ee Xukuumada Madaxa Unsom ee  Baydhabo vikram parekh iyo xafiiska  Hawenka Ciidamada Amisom  EU Gender iyo Xafiskiisa Genderka police Gobolka Bay.

Wasiirad Binti Ibraahim Cali ayaa  si faafaahsan uga hadashay abaaraha dalka ka jira, waxaana hal ku dhig ay h uga dhigtay munaasabadii maanta “Uistaag Haweenka caruurta iyo waayeelka ay Sameeysay Abaarta” iyadoo lacag gaareysa 1000 doolar ugu deeqday gudiga abaaraha Koonfur galbeed si loogu gado ugu yaraan faleebooyin.

Madaxdii Munaasabada ka qeyb galey iyo madaxweeynaha ayaa Wasiirada ku amanay sida damqashda leh ay uga damqatay isagoo Goloha wasiirada ku amrey iney ku daydaan Wasaaradda ay maamusho Marwo Binti Ibraahim Cali Wasiirkav Wasaarada Haweenka Koonfur galbeed.

Wasaarada Haweenka K/galbeed ayaa waxa lagu tiriraa wasaaradaha tirada yar ee ka shaqeeya howlaha loo xil saarey ee ka tirsan Maamulka K/galbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE