Xildhibaanada Labada Aqal Ee Beesha Biimaal Oo Caawa La Balansan Madaxweyne Farmaajo Iyo Ibraahin Cali Xaaji Oo Cabsi Ay Ka Haaysa….(Warbixin)

Xildhibaanada Beesha Biimaal ee Jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa caawa waxay kulan la leeyihiin  Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Shirkan oo muddo ay sugaayeen xildhibaanada sagaalka ah ee Beesha Biimaal ugu kala jira Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa caawa waxay la balansanyihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xildhibaanadan oo intooda badan la safnaa Xasan Sheekh Maxamuud xilligii ay socotey doorashadii Madaxweyne ayaa hadda waxay rabaan in shir gaar ah ay la qaataan Madaxweyne Farmaajo oo ay uga baxeen balan uu la galey markii uu Muqdisho soo gaarey islamarkaana uu weydiistey in codkooda ay ugu hiiliyaan.

Ilo xog ogaal ah ayaa noo wariyey in Xildhibaanada Beesha Biimaal ay rabaan in Madaxweynaha ay kala hadlaan Shakhsiyaadka uga midka noqonaya Wasiirada Cusub ee lasoo dhisayo iyo inay yeeshaan xiiriir wanaagsan, maadaama Madaxweyne Faraajo uu ogyahay Munaafaqninmada iyo Beenta ay dhaqanka ka dhigteen xildhibaanada.

Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale loo gudbiyey warxbin ka hadleysa in shakhsiyaadkaas magaca Beesha Biimaal ku fadhiya kuraasta Baarlamaanka labada aqal in aanay ku imaanin doorasho xalaal ah iyo rabitaan Shacab ayaa waxa laga yaabaa in uu ka gaabsado oo uu siin waayo xogo iyo sheekooyin ku saabsan dowladiisa.

Waxa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Shirka caawa Ibraahin Cali Xaaji in uu rabo sidii uu ugu dhex dhuunto oo goobtaas Xildhibaandu ay ku sheegaan in ninkan uu yahay Suldaankooda oo xilka ay hayaan usoo dhiibey hase ahaatee waxa jirta sheeko ah in Farmaajo xogheyntiisa iyo dadka u qaabilsan balamada ay ka diideen Xildhibaanada ay soo wataan shakhsi aan xildhibaan aheyn.

Xildhibaanada Beesha Biimaal ayaa saaxiibo dhow waxay la ahaayeen Shariif Xasan iyo Madaxweynihii xilka waayey ee Xasan Sheekh, waxaana la aaminsanyahay in ay ku heshiiyeen musuq maasuq iyo lug-gooyo Shacab ayaa markan rajeenaya inay sheekooyinkooda ay u weeciyaan dhinaca Farmaajo.

Ugu dambeyntii waxa jira loolan adag oo u dhaxeeya Xildhibanaadan sagaalka ah oo midba uu rabo in uu noqdo Wasiirka Beesha Biimaal iyo ku xigeenka ay ka heli doonto Wasiirada lagu dhawaaqi doono, waxaana ay isugu jiraan kuwo horey usoo fashilmey oo xil magooyayaal noqdey iyo kuwo karti ahaan iyo waaya aragnimo midna aan u aheyn xilalka ay raadinayaan, waxaana ugu daran taageero la’aanta ka haaysata Beesha ay kasoo jeedaan.

Waxaan ka war sugeynaa kulanka Caawa Madaxtooyo ku dhex mari doona Xildhibaanada Beesha Biimaal iyo Sida ay suurta gal ku noqon karto in kulankaas uu ka qeyb qaato Qabqable Ibraahin Cali Xaaji

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE