Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Oo Maanta Ansixiyey Golaha Wasiirada Ee Maamulkaasi

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa maanta waxa codka kalsoonida u qaadaey Gole Wasiiro oo uu soo magacaabay Madaxweynaha Maamulkaasi Cali Cabdulaahi Cosoble.

Kulanka oo markiisii hore ku bilowdey in cod loo qaado Mooshin laga soo gudbiyey Wasiirada ayaa waxa codkao diidamada siiyey Toban xildhibaan halka kuwo kale ay ka aamuseen in ay u codeeyaan Mooshinka lasoo gudbiyey.

Gudoonka Baarkamaanka ayaa markii dambe  soo jeediyey in Codka kalsoonida loo qaado si Xukuumadda loo ansixiyo oo ay u hesho kalsoonida Baarlamaanka, maadaama looga fadhiyo in ayqabtaan howlo badan oo horyaalla.

Sida uu meesha ka sheegay Gudmiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Shiikh Cismaan Maxamed Barre, shirka oo ay soo xaadireen 85 Mudane ayaa waxa xukuumadda codka kalsoonida ah siiyey  71 mudane waxaana diidey 15 mudane, waxaana sidaa ku nasaxey Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabelle.

Golahan ayaa waxay ka koobanyihiin 52 Wasiir 35 ka mid ah ayaa waxa laga soo dhex magacaabay Baarlamaanka hada shaqeenaya, iyadoo maalmihii lasoo dhaafey ay socdeen muranno la xiriira xagga magacaabidda Wasiirada waxaana Madaxweynaha lagu haaystey in aanu wadatashi la yeelan dadkii ay talada ka go’dey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE