Dad Shacab Ah Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyoodey Deegaano Hoos Taga Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Iyadoo xaaladaha abaarta ee ka jira dalka Soomaaliya ay sii dheer tahaya cuduro dilaa ah oo ka dilaacey deegaanada Abaarta ayaa waxa jira dad Cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyoodey deegaano ka tirsan Shabeelada hoose.

Degmada Nambar iyo Nawaaxigeeda oo ay ka jiraan xaalado Nolol xumo ayaa saacadihii lasoo dhaafey waxa cudurka shuban biyoodka ah ugu geeriyoodey ku dhwaad toban ruux oo u badan curuur da’doodu ay ka hooseyso 6 sano jir.

Maalmihii khamiista iyo Arbacada aan kasoo gudubnay ayaa wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in ay geeriyoodeen afar ruux seddax ka mid ah ay ahaayeen Caruur halka uu ku jirey ruux kale oo da’ahaa, waxaana sidoo kale jira dad kale oo lasoo sheegayo in saacadihii lasoo dhaafey cudurka Shuban biyooda ugu geeriyoodey dad kale oo hor leh.

Ilaa hadda waxa la xaqiijiyey ilaa sagaal ruux oo ay ku jiraan dad waaweyn in ay ku dhinteen Cudurkan dilaaga ah ee ka dilaacey deegaanada ay ku barakaceen shacabka colaada ay ku saameysay guryahooda, waxaana xilligan weli jira xalado nolol xumo aad u daran.

Deegaanadan Miyiga ah ee ay ka jiraan abaaraha iyo Colaada ayaa waxaan laheyn goobo caafimaad iyo adeegyo looga hortago cudurka ama loogu gargaaro dadka hadii uu soo rito shuban biyood ama jirana cuduro kale.

Nolosha oo aad u liidata iyo deeganaada oo go’doon u ah Maleeshiyada Alshabab ayaa sababey in dadka ay heli waayaan Biyo Nadiif ah oo ku filan iyo Cuno, waxaana usii dheer iyadoo aanay jirin meel loo mariyo dawooyinka Fuuq baxa iyo kuwa kele si dadka wax loogu qabto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE