Dhageyso Hogaamiyihii Kooxdii Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Wareysigii Ugu Horeeyey Lala Yeeshay Ayaa Ka Waramay Arimo Badan (Sawiro)

Michelle Shephard oo ka socotay Toronto Star ayaa loo ogolaaday inay markii ugu horeysay saxaafadda wareysi la yeelato Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ku jiro Xabsi guri Wariyahaan oo Toronto Star uga soo waramto arrimaha amaanka ayaa kulan xasaasi ah la yeelatay Shiikh Xasan Daahir Aweys, waxayna sheegtay inuu kulankaan dhacay intii uu dalka Mareekanka ka arriminayey Obama isla markaasna aan la dooran Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha Soomaaliya.

Xaaladda Shiikh Xasan ayey sheegtay inay aad u wanaagsan tahay sidoo kalana uu xabsi gurigaas kula nool yahay xaaskiisa iyo carruur gaareyso ilaa 28 qof.

Xasan Daahir aweys ayaa gabadhaan wariyaha ah kula balamay inaysan qoraalkaan iyo sawiradaan faafin inta uu socdo wadahaladii lagula jiray Xasan Shiikh laguna doonayey in Shiikha lagu soo dayo.

Michelle Shephard ayaa sheegtay inuu dowladda Soomaaliya ka codsaday in maxkamad lasoo taago ama dil lagu xukumo wuxuuna ka dhawaajiyey inay arrintaan ka dambeyso beesha Habagidir oo uu isaga ku abtirsado.

Xasan Daahir Aweys oo la weydiiyey sida uu u arko waxyaabihii uu sameeyey intii uu kamid ahaa Xisbul Islaam iyo Al­shabaab, wuxuuna Shiikha sheegay inay aheyd wax sax ah go’aankaas dadkii shacabka ahaa ku dhintayna aan si kas ah loo dilin, maadama dowladduba ay shacab badan dishay.

Sheekh Xasan Daahir oo wax laga waydiiyey ururka Al­Shabab iyo inuu isaga kamid ah ayuu sheegay inuusan ka mid aheyn balse uu si weyn uu taagersan yahay, wuxuun ku dooday inuu farqi u dhaxeeyo inaad ka tirsan tahay iyo inaad taageersan tahay.

Xasan ayaa ka dhawaajiyey inuusan Al­Shabaab ku taageersaneyn falalka qaar oo ay geystaan sidoo kale wuxuu xusay inay jiraan waxyaabo fiican oo ay sameeyaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE