Dhageyso Madaxweynaha Puntland Oo War Kasoo Saaray Xayiraadda Maamulkiisa Uu Saarey Tv-ga Universal

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababtii keentay in Puntland ay degaanada ka joojiso TV-ga Universal.

Madaxweyne Gaas waxaa uu sheegay in Puntland aysan ogoleyn in la kiciyo bulshada iyo  in dadka lagu dhax faafiyo sida uu hadalka u dhigay dacaayad iyo wax aan waxba ka jirin.

Maamulka uu majaraha u haayo Cabdiweli Gaas oo maalmihii lasoo dhaafey waxa hareeyey buuq fara badan, waxaana jira Gadood ay sameeyeen Ciidamada Maamulkaas oo xirey dhowr xarumood oo Maamulka uu ku shaqeyn jirey iyago ka cabanaya mushahar la’aan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE