Dhageyso Midowga Afrika “Suuragal Ma’aha Inuu Guuleysto Howlgalkeena Hadaan La Helin Ciidan Soomaali Ah Oo Suga Amaanka”

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay in hawlgalka AMISOM qaabka uu hada ku socdo ineysan suurtagal ahayn in lagu guuleysto ujeedooyinka laga leeyahay.

Francisco Madeira ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka AMISOM ay ku mashquulsan yihiin ilaalinta Madaxda iyo Xarumaha dowladda,Wuxuuna sidoo kale xusay in Ciidamada Soomaaliya aysan awood u lahayn hanashada Amniga goobaha AMISOM ay ka saarto Al-shabaab.

Madeira ayaa tilmaamay in haatan la joogo xiligii la sheegi lahaa in AMISOM aysan waligeed joogeen gudaha Soomaaliya,Wuxuuna ku nuux nuuxsaday ineysan meel mari doonin ujeedka AMISOM ee ahaa iney Soomaaliya u horseedaan Nabad iyo Xasilooni waarta hadii aan la helin Ciidan Soomaaliyeed oo hanan kara Amniga goobaha laga saaro Al-shabaab.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE