Dhageyso Wasiir Madoobe Nuunow Oo Sheegay In Magaalada Marka Wax Maamul Ah Ay Laheyn Isagoo Inkirey..”

Wsiirka Xanaanada Xoolaha Maamulka Koonfr galbeed Madoobe Nuunow Maxamed oo wareysi siiyey mid ka mid ah Idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax maamul aanu ka jirin magaalada Marka.

Madoobe Nuunow oo la weydiiyey sababaha keenay in la musuq maasuqo lacagahii gar gara ee ay ugu talagaleen Shacabka Abaarta ay saameysey ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ay tahay in magaalada Marka aanu ka jirin wax Maamul ah.

Waxa sidoo kale uu sheegay in markii hore magaalada ay laheyd Gudoomiye kaas oo xilka laga qaadey islamarakaana la magacaabay Gudoomiye kale oo ka maqana xafiiskiia, oo uu ula jeedo Xasan Cumarey oo Maamulkiisa ay afgembiyeen Mooryaanta Gobolada dhexe kasoo duushey.

Madoobe ma sheegin in Koonfur galbeed uu dayacey magaalada Marka ka dib markii Mooryaanta uu ku tagaeerey gumaadka iyo barakicinta Shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE