Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Oo Ku Sugan Magaalada Baraawe Oo Isku Dey Dil Ka Badbaadey

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo ku sugan Magaala Xeebeedda Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa isku dey dil ka badbaadey ka dib markii leysku dayey in qaarijiyo.

Wararka aan ka heleyno Baraawe ayaa ku waramaya in shalay gelinkii dambe Maleeshiyaad ka amar qaata Gudoomiye ku xigeenka Baraawe iyo horjoogaha Maleeshiyada dowlada ee halkaas Shakhsiyaadka lagu kala magacaabo Aadan Laba Afle iyo Bashiir Maxamed Yuusuf ay isku dayeen inay fowdo iyo dhibaato ka abuuraan goob ay ku sugnaayeen Gudoomiye Ibraahim Najax iyo xubno kale.

Maleeshiyaadakan oo qorshahii wateen uu ka dhicisoobay ayaa lagu waramayaa in ay doonayeen in si kedis ah rasaas ugu furaan goobta Najax uu kugnaa si ay u fuliyaan hadafkooda oo ahaa qaarijinta Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose.

Ciidamo ilaal u ahaa Xubnaha Najax ayaa wararku ay tilmaamayaan in ay ka hortageen fowdada lagu damacsanaa dilka Gudoomiyaha, waxaana jirta xiisad ka dhalatey arintaasi oo maanta ka taagan magaalada Baraawe.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxay noo shegeen in isku daygan dil ay soo abaabuleen kooxo Kaaba Mooryaano ahaa oo horey ugu fashilmey dhibaateynta Shacabka iyo dagaalada dhul boobka ah ee ya ka wadaan Gobolka Shabeelada hosoe kuwaas oo markaan wada dadaalo ah inay ugaarsadaan dadka ay uga shakisanyihiin inay hor istaageen damacooda waalan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE