Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Soo Dhaweyn Cajiib Ah Loogu Sameeyey Dalka Ruushka (Sawiro)

Madaxwaynaha Dawladda Turkiga ayaa soo dhowayn Balaaran Loogu sameeyay Dalka Ruushka, Isagoona Kulan la qaatay madaxwayne dalkaasi faladamiir Putin.

Madaxwayne Erdogan ayaa markii uu Halkaasi uu gaaray waxaa loo sameeyay Soo dhowayn Balaaran, Taasi oo muujinaysa Xiriirka wanaagsan ee u Bilowday Dawladaha Ruushka iyo Turkiga, Waxayna sidoo kale Kulamadii ay yeesheen Diirada ku saareen Arimaha labada dal iyo kuwa kale oo Xasasi ah.

Xiriirka wanaagsan ee u bilowdey dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa waxa uu meesha ka saarayaa xiisad u dhaxeysay labada wadan taas o osaameyn ku yeelatey howlgalkii Milateri ee ka socdey dalka Suuriya.

Dhinaca kale tan iyo markii dalka Turkiga uu ka dhacey isku deygii Afgembi ee ay fashileen Shacabka dalkaas ayaa Madaxweynaha Turikiga Erdugan waxa uu bilaabey in xiriir wanaagsan uu la yeesho qaar ka mid ah wadamada siyaasad ahaan ay isaga soo horjeedaan Mareerakanka oo la aaminsanaa inuu taageerayey afgembigii dhicisoobey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE