Maxkamad KuTaalla Magaalada Hargeysa Oo Xukun Ku Ridey Ninkii Malxiisadda Ee Naagta Iska Dhigey Iyo Eedeysanayaal Kale

Maxakamadda Gobolka Maroodi-Jeex Ee Magaaladda Hargeysa, ayaa  xukun ku riday Malxiisadii ninka noqotay iyo Aroosadii uu la socday oo maalmihii u dambeeyey dacwadoodu ka socotay maxkamadda Gobolka ee Hargeysa .

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa  fadhi ay ka yeelatay shalay kiiskan oo ahaa mid noociisu ku cusub yahay Somaliland, isla markaana bulshadu aad ula yaabtay oo ay iskula dhex marayeen, waxa ay ka soo saartay go’aan ay ku xukuntay eedaysaneyaashan loo haystay kiiskan ninka Gabadha iska dhigay iyo aroosadii wadatayba.

Xukunkan lagu riday labadan eedaysane, ayaa waxa ay Maxakamaddu ku xukuntay Aroosadii ninka Gabadha iska dhigayey wadatay laba sanno oo xarig ah, halkas ninkii  milxiisada ahaa ee Gabadha iska dhigayna lagu xukumay  hal sanno iyo lix bilood oo xarig ah, waxa ay maxkamaddu sidooo kale  hal sanno oo xarig ah ku riday gabadh lagu eedeeyey in ay gacan siinaysay.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maxkamadda Gobolka Marood-jeex ee magaaladda Hargeysa, waxa jira warar sheegaya in Maxkamadda ayaa shalay go’aankan xukunka ah ku riday eedaysaneyaasha uu kiiskoodu ku cusbaa Maxkamadda Somaliland, isla markaana ay bulshadu aad ula yabeen falkan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE