Qaramada Midoobey Oo Warbixin Kasoo Saartey Xaaladda Abaarta Ee Ka Jirta Soomaaliya

War Qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay sii korortay dadka ay Abaaruhu ku saameeyeen qaar ka mid ah Gobollada Dalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa Qaramada Midoobay waxay ku sheegtay in 2.9 Million oo qof oo Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Gurmad Deg Deg ah. Dadkaan ayaa lagu sheegay Warbixinta Qaramada Midoobay in ay ku kala sugan yihiin illaa 13 Gobol oo Soomaaliya ka tirsan.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ka digtay haddii aan wax laga qaban Arrimaha Abaaraha ay ka sii dari doonto heerka ay haatan  gaarsiisan tahay, oo ay ku le’deen dad iyo duunyo la gaarsiin waayey gurmadkii ay u baahnaayeen.

Dhawaan ayaa waxaa Soomaaliya soo booqday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutierrez, kaas oo booqasho ku tagey magaalooyina Muqdisho iyo Baraawe isagoo indha indheeyey Xaaladaha Abaarta ee ka jirat dalka Soomaaliya.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE