Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Oo Weli Wada Watashiyada Golaha Wasiirada Cusub Iyo Beelaha Qaar Oo Loo Dhiibey Suruudo Adag

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wali wada wadatashiyadii ugu dambeeyay ee ku aadan magacaabista Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo la filayo in maalmaha soo aadan uu ku dhawaaqo.

Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Waxgarad kasoo jeeda beelaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa kulamo la qaatay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kuwaa oo ka codsnayay in uu siiyo Wasaarado muhiim ah una magacaabo shaqsiyaad ay raali ka yihiin.

Sida aan wararka ku heleyno R/Wasaaraha ayaa kaarto cajiib ah u adeegsanayay Xildhibaanada ,Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka u imaanayay waxa uuna ka dalbnayay in ay u keenaan hal qof ay isku raacsan yihiin si uu Wasiir uga dhigo, hasa ahaatee waxa ay arintaasi caqabad ku noqotay kuna adkaatay xubnihii wada socday in hal qof iska soo dhax xulaan iskuna raacaan.

Ra’isul Wasaaraha ayaa markii uu arko in aysan isku raaci karin hal qof ayaa ka dalbanayay in isagu u daayaan qofka uu beeshooda kasoo xulanayo hadii aysan iyagu isku raaci karin hal ama qof oo kumata golaha Fulinta.

Masuuliyiintii iyo waxgaradka u tagay R/Wasaaraha ayaa la sheegay in ay kasoo baxayaan xafiiskiisa iyaga oo talada gacanta u galiyay R/Wasaaraha una balan qaadaya in ay la shaqeyn doonaan qofkii uu beeshooda kasoo dhax xusho kadib markii ay isku raaci waayeen qof ama labo qof oo matali kara.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa iyagu Wasiirada kamidka noqonaya Xukuumada waxa ay kaliya ka fiirinayaan in uu yahay shaqsi la shaqeyn kara kana soo bixi kara xilka loo dhiibo iyaga oona marnaba eegeyn magaciisa iyo jufada uu kasoo jeedo.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE