Warbxin Looga Hadley Safrka C.wei Gaas Oo Tira Beelay Xilli Puntland Ay Ka Jiraan Kacdoono Iyo Abaaro (Video

Telefishinka Universal ayaa Warbixin ka Diyaariyey Safarada C.wali Gaas oo noqday Madaxwaynihii ugu Safarka Badnaa ee Puntland, Iyadoo si gaar ah loogu Xusay Safarkii uu shalay uga baxay Boosaaso, Xili Abaaro Ba’an iyo Kacdoono ay ka Jiraan deegaaanada Puntland.

Sidoo kale Safarka C.wali gaas ayaa kusoo beegamaya Odayaal iyo Waxgarad ayaa ku guulaysteen inay Qanciyaan Ciidamadii Qabsaday Wadooyinka magaalada Garoowe.

Dhinaca kale Baarlamaanka Puntland ayaa ku sheegay Safarka C.wali gaas mid aad u Tiro badan, Islamarkaana uu dhaqaalo badan ku baxo, Iyadoo aysan Jirin wax Mira dhal ah oo uu kala soo Noqdo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE