Xildhibaanada Beesha Biimaal Oo La Kulmey Ra’isalwasaaha Khayre Iyo Xildhibaan Nadiir Oo Kala Daadiyey Rajadaii Xil Magooyayaasha (Warbixin)

Xildhibanaada Beesha Biimaal ee ku kala jira Baarlamaanka Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ayaa habeenkii Khamiista ee aan soo dhaafney kulan gaar ha la qaatey Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Kulanka oo sida aan ku helney warbxinta looga arinsanaayey xukuumadda Cusub iyo xildhibaan kasta waxa uu kusoo kordhin karo hadii uu ka midka noqdo Goloha Wasiirada cusub ayaa goobta waxa lagu soo bandhigey siyaasadda iyo kooxeysiga ka dhex jira xildhibaanada.

Shirkan oo habeen barkii ka dhacey Madaxtooyda ayaa waxa ka maqnaa Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil iyo Marwo Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan, waxaana halkaas tagey kaliya Todobo xildhibaan oo kala ahaa Cabdalle Xuseen Cali, C.raxmaan Ibbi, Cabdulaahi Cumar Abshirow, Xuseen Cali Xaaji, Sheekh Nuur Maxamed Xasan, Maxamed Soomaali iyo Axmed Macallin Cumar Nadiir.

Xildhibaanada kala ahaa Cabdalle Xuseeen iyo Ibbi ayaa sheegey in ay horey usoo noqdeen Wasiir iyo wasiir ku xigeen laguna xusuuto waxqabad la taaban karo oo ay ku sifoobeen intii ay xilalka hayeen, xilligana ay u taaganyihiin in ay mar kale ka mid noqdaan Golaha Wasiirada Cusub.

Xildhibaanada kala ah Xuseen Cali Xaaji iyo Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa madasha ka sheegay in ay siyaasadda ku cusubyihiin hase ahaatee hadii xilal lagu aamino ay u gudanayaan sidii loogu talagaley.

Hase haatee markii hadalka uu soo gaarey Xildhibaan Nadiir ayaa goobta isbedel uu ka dhacey, isagoo Ra’iisalwasaaha ka codsadey in uu lasoo baxo buug iyo qalin si aanay uga kala dhumin waxa uu sheegi doon oo aragti ahaan uu qabey Xildhibaanka in ay muhiim yihiin in uu u gudbiyo wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa kala sifeeyey dowladana cusub ilaa tii Madaxweynaha uu ka ahaa AUN Cabdulaahi Yuusuf Shakhsiyaadka Wasiirada soo noqdey, fashilka ay laso okulmeen iyo kalsooni xumida ka haaysata Beesha ay kasoo jeedaan iyagoo aanan kasban karin Beesha ay ka dhasheen oo ay sheeganayaan matalaaladda Golaha Wsiirada, maadaama uu yiri Golaha wsiiada hab beeleed ay ku imaan doonaanaan ayuu sheegay in loo baahanyahay shakhsiyaad dowlada ka gadi kara Shacabka ay matalaan.

Intii hadalka uu watey Xildhibaan Nadiir ayaa waxa hadalka ka dafey Caraxman Ibbi oo goobta ka sheegay in uu yahay Mushrax u tagaan Ra’iisalwasaare ku xigeen iyo in uu noqdo Wasiir, ayaa xildhibaanka ku celiyey hadalka si xogta afkiisa ka burqaneysa aanay u garain Ra’iilsawasaarah.

Nadiir ayaa Xildhibaan Ibbi ku eedeeyey in uu yahay shakhsi kalsoonida uu ka haaysto Beeshiisa ay aad u liidato hadii xil lagu aamina aan la imaan karin karti iyo hufnaan uu xilka ku guto isagoo farta ku fiiqey Cabdalle Xuseen Cali oo dhankiisa hami weyn uu ku haayo inuu markale kasoo muuqdo Golaha wasiirada, waxaana Xildhibaan Cabdalle la weydiiyey waxqabadka la taaban karo ee uu la yimid seddaxdii sano ee uu ahaa Ku xigeenka Wasiirka Gaashaan dhigga.

Markii laga soo baxey Xafiiska Ra’isaleasaaraha ayaa waxa lagu sigtey in xildhibaanada qaar ay u gacan qaadaan Xildhibaan Axmed Macallin Cumar Nadiir oo ay ku qabsadeen fashilka uu goobta keenay iyagoo ugu goodiyey in ay wiiqmi doonto wadashaqeynta ay la lahaan doonaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE