Xog Ibraahin Cali Xaaji Oo Kulan La Qaatey Mucaaradka Shariif Sakiin Iyo Xildhibaanada K/galbeed Oo Loo Wareejin Rabo…

Xilli Siyaasiyiinta ku kacsan hogaamiyaha Koonfur galbeed Shariif Sakiin ay raadinayaan xildhibaano iyo dad kale oo kala qeyb qaata dagaalka siyaasadda ku saleysan ayaa waxa soo baxaya shakhsiyaad aad ugu dhawaan Shariif inay bilaabeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen qorshaha ridista Hogaanka Maamulka.

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Fartaag, Khaalid iyo Saalx ayaa maalmo ka hor kulan qarsoodi ah waxay la qaateen koox uu hogaaminayo Ibraahin Cali Xaaji oo sheegta inuu yahay shakhsiga go’aanmin kara talada Xildhibaanada Baaralamaanka K/galbeed.

Shakhsiyaadka ku kacsan Shariif ayaa Ibraahin Cali Xaaji iyo rag kale oo la socdey waxay weydiisteen in ay kala qeyb qaataan dadaalada lagu ridaayo Shariif Sakiin oo curyaamiyey Maamulka intiisa kale islamarkaan cadow kasoo jeeda Gobolada dhexe ee Soomaaliya u gacan geliyey deegaanada K/galbeed gaar ahaan Shabeelada hoose.

Ibraahin Cali Xaaji oo siyaasad iyo qorshe ahaanba la safnaaa Shariif Sakiin oo makri badan uu kala qeyb qaatey ayaa ogolaadey dhaqaale iyo balan qaad uu ka helay siyaasiyiintan Misaarta u haaysta Geedka uu saaranyahay Shariif, waxaana uu soo qaatey balan qaad ah in uu keeni doono codadka Xildhibaanada Beesha Biimaal si ay u saxiixaan Mooshinka ka dhanka ah Shariif.

Waxa la sugaayaa kulan dhawaan dhex mari doona Xildhibaano gaaraya 11 Mudane oo Baarlamaanka Koonfur galbeed ku jira kuwaas oo Beesha Biimaal ku matala, waxaana Ibraahin iyo kooxdiisa ay heli doonaan hadii ay xildhibaanadaasi saxiixaan Mooshinka lacag aan qiimaheeda la sheegin iyagoo sidoo kale sugi doona balan qaadka loo sameeyey oo aan weli kala cadeyn.

Dhinac kale kulankan ayaa muujiyey laba wajiilinimada qab qable Ibraahin Cali Xaaji oo dhaqaale ku raadsadey codadka Xildhibaanada Beesha Biimaal si ay u ridaan Shariif Sakiin, waxaana tani sidoo kale ay muujineysa sida aan loo aamini karin kooxdan sharta maleega ee saaxiibka dhow lahaa Shariif.

Waxa jira tuhuno soo baxaya oo tilmaamaya in khilaaf xagga fikradda ah ay isku haayaan Shariif iyo Ibraahin Cali Xaaji oo seddaxdii sano ee lasoo dhaafey heshiis ku ahaa lug’gooyada Koonfur galbeed iyo Musuq maasuqa, waxaana khilaafka uu soo if baxa]ey ka dib markii Ibraahin uu ku guuleysan waayey inuu xakameeyo codadka Xildhibaanada Beesha Biimaal ee ku jira dowlada dhexe kuwaas oo markii doorashada sheegay in ay u codeenayaan shakhsiga ay u arkaan inuu ku wanaagsanyahay hogaaminta talada dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE