Ciidamo Gadoodsan Oo Xiray Qaar Ka Mid Ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho

Ciidamo Gadoodsan oo ka tirsan Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaaxiray qaybo ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa xirtay Wadada KM-4 ilaa Warshadii Nac-Naca, Ciidamadan ayaa gaadiidka u diiday iney adeegsadaan Wadooyinka ay xirteen, Ciidankan ayaa ka cabanaya Mushahar la’aan haysata.

Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya wali wax war ah kama soo saarin Ciidanka Gadoodsan ee Maanta xanibay isu socodka Gaadiidka qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo Ciidamo ka tirsan kuwa Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ay xiraan qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana tallaabadan ay kusoo beegmeysaa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay xarumaha qaar ee cidanka ay ka socdeen bixinta mushaharaadka Ciidanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE