Deg Deg Dil Naxdin Leh Oo Goordhow Ka Dhacey Deegaanka Gaaywarow Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Gaaywarow oo ka tirsan Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in goor dhow halkaas lagu dilay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Dilkan oo ay geysteen kooxo ku hubeysan qoryaha AK47, oo gaaraya ilaa lex ruux ayaa deegaanka la soo sheegayaa in ay ka galeen dhinaca Koonfur ee uu ku beeganyahay Wabiga Shabelle oo xilligan qalalan, iyagoo si toos ah u beegsadey Guri deegaanka uu ku lahaa marxuumka ay dileen.

Ruux la dilay oo lagu magacabaao Xasan Maxamed Shiikh ayaa kooxahan hubeysan ay ugu tageen Gurigiisa, waxaana lasoo sheegayaa in ay ka tageen goobta markii ay hubiyeen in ay nafta dhaafiyeen marxuumka ay usoo qasdeen dilkiisa.

Kooxahan ayaa Wabiga Jiinkiisa soo dhigtey sida ay dad goob joogayaal ah noo sheegeen ilaa laba Mooto oo ay wateen, markii hore ay gaadiid ahaan u adeegsadeen, markii dilkan uu dhacaayey ayaa Marxuumka waxa ku sugnaa Gurigiisa gaar ahaa dukaan guriga ugu dhex yaalla waxaana dukaanka gudaha ugu jirey marxuumka iyo laba qof oo kale, dableyda ayaa banaan ka lasoo baxay Allah u naxriistee Xasan iyagoo laba xabadood kaga dhuftey qeybaha sare ee jirkiisa.

Waxa jira warar kala duwan oo soo baxaya kaas oo sheegaya in sida dilka uu u dhacay iyo tirada dableyda ee qorshaha fulisey, waxaana la sheegayaa in dilkan uu qeyb ka yahay dilalka qorsheysan ee Mooryaanta ay ka geystaan deegaanada Gobolka Shabeelada hoose.

Dhinaca kale waxa jira warar kale oo ku saabsan dilkan kaas oo dhankiisa ku waramaya in ay wax ka ogaayeen Maleeshiyada Shabaab ee deegaanka sida magac u yaalka ah u maamula, waxaana jira tuhun ah sida ay ku suura gashey in dabley lex ruux gaareysa ay dil ka fuliyeen meel ay sheeganayaan maamulkeeda.

Allah u Naxriistee Xasan Maxamed Sheek h ayaa ka mid ahaa dadka deegaanka waxaana da’diisa lagu qiyaasi karaa 45-50 sano jir, waxaana marxuumka geeriyoodey uu ka mid ahaa dadka da’ dhexaadda ah ee aad ugu firfircoonaa howlaha arimaha bulshada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE