Faafaahino Kasoo Baxaya Ciidan Maanta Gadoodka Ka Sameeyey Magaalada Muqdisho Iyo Saraakiil Lagu Eedeeyey Inay Lunsadeen Mushaharaadka Ciidanka (Sawiro)

Waxay faafaahinno kasoo baxayaan Ciidamada dowlada ee maanta Gadoodka ka sameeyey qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka cabanaya mushahar la’aan in muda ah haaysatey.

Ciidamadan oo maanta xirey Wadooyinka Muqdisho ayaa sida la sheegay talis ku lahaa Xerada Ciidanka ee Villa Baydhabo oo ku taalla Degmada Wadajir, waxaana la sheegayaa in Ciidamadan oo aad careysay ay ku baxeen laba jiho si ay u muujiyaan Cabashooyinkooda.

Ciidamada qaar ayaa xirey ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii ka jirey Suuqa Buulaxuubey halka Ciidamo kale ay isku fidiyeen Isgoyska Banaadir ilaa Isgoyska Dabka ee Wadada Makka Almukarama ee magaalada Muqdisho halkaas oo ka xanibeen in ay isticmaalaan wadada gaadiidka dad weynaha waxaana wadooyinka ay ku gooyeen dhagxaan.

Dadka ku sugnaa wadooyinka la xirey ayaa Ciidamada Gadoodka sameeyey ku amaaney in wax dhibaato ah ay u geysanin Shacabka iyo Gaadiidka marka laga reebo in ay ku amreen joojinta isasocodka.

Waxa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Ciidamadan lacagihii mushahaaraad ahaan ay u lahaayeen in ay lunsadeen Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga oo ay ugu horeeyaan Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Cali Baashi iyo Taliyaha Saadka dowlada Cabduqaadir Macallin Nuur.

Dhinaca kale Saraakiil ka shaqeysa Villa Baydhaba ayaa ku howlan qancinta Ciidamada Gadoodsan ee ka cabanaya mushahar la’aanta, waxaana horey u jirey amar uu soo bixiyey Ra’isalwasaraaha Xukuumadda Soomaaliya oo amrey in la bixiyo mushahaaraadka ciidanka.

Hoos ka daawo Sawirada Sida Ciidamada ay u xireen Wadooyinka

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE