Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre “Ma Dhici Doonto Mar Kale In Hubka Iyo Ciidanka Dowlada In Lagu Barakiciyo Shacabka Magaalada Marka”

Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo kulan la qaatey siyaasiyiin iyo waxgaradka kasoo jeeda magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa wacad ku marey in dhibaato dambe ay dowlada uga imaan doonin Shacabka ku dhaqan Gobolka Shabeelada hoose.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ayaa Ra’isalwasaaraha hordhigey dacwad ka dhan ah saraakiisha wasaaradda gaashaandhiga iyo madaxdii hore dhibaatooyinkii ay ku kaceen oo ay ugu horeeyaan barakicinta shacabka iyo duminta deegaano badan oo ay ku noolaayeen shacab badan kuwaas oo loo adeegsadey hubkii dowlada iyo Ciidanka ay mushaharka siiso.

Waxa kale oo Ra’isalwasaare Kheyre loo gacan geliyey feelal ay ku jiraan dukumentiyaal ay ku qoranyihiin cadeymo muujinaya dhibaatada aan kala sooca laheyn ee Mooryanata Habargidir oo ay kaabayaan Maleshiyada dowlada ay ka geysteen deegaanada Gobolka Shabeelada hoose.

Ra’isalwasaare Kheyre oo gartey dhibaatada jirta iyo ogaalkiisa ayaa waxgaradkii iyo siyaasiyiintii uu la kulmey u balan qaadey in dowladiisa ay si dhab ah wax uga qaban doonto dhamaan wixii tabasha ah ee gaarey sahacabka Gobolka Shabeelad hoose oo looga hiilyey Mooryaan dhul boob ah oo kasoo duushey Gobolada dhexe.

Waxa uu balan qaadey in dowladu ay la imana doonto qorsheyaal lagu fariisinaayo Maamulka Magaalada Marka iyadoo loo maraayo sida uu yiri rabitaanka dadka oo la waafajinaayo Nidaamka ay ku dhisantahay dowlada Fedaraalka ee Habka Fedaraaliisamka.

Xukuumadihii isaga dambeeyey talada dalka ee soo shaqeenaayey afartii sano ee lasoo dhaafey ayaa Rajiimkii Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka hor istaagey in si dhab ah wax looga qabto barakaca iyo dhul boobkii ka socdey Gobolka Shabeelada hoose, waxaana jirey awoodo dowladii dhacdey ay ku taageeri jirtey Mooryaanta dhul boobka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE