Shaqaale Ka Tirsan Telefishanka Universal Oo Lagu Dhaawacey Gaari Walxaha Qarxa Lagu Soo Xirey

Wararka ka heleyno Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu qarax ka dhacay magaaladaas, kaas oo baabuurkiisa loogu xiray mid kamid ah farsamo-yaqaanada Telefishinka UNIVERSAL ee magaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in gaariga oo wadada marayay uu qarxay, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray gabar wadada mareysay.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qofka watay uu ka mid ahaa shaqaalaha Telefihisnka Universal xafiiskiisa magaalada Muqdisho, waxaa magaciisa lagu sheegay Xamiid Karzaay oo ahaa Farsamayaaqaanada Telefishinka.

Qaraxyada gaadiidka lagu xiro ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana ay noqdeen kuwo ugu fudud ee loo adeegsado falalka khaarijinta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE