Warar Sheegaya In Ciidamada Maanta Gadoodka Sameeyeen Ay Afduubteen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga

Warar kala duwan oo kusoo dhacaya Warqabadka Markacadey.com ayaa wuxuu ku waramayaa in Ciidamada maanta Gadoodka ka sameeyey magaalada Muqdisho ay afduubtey ahaan u qafaasheen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Cali Baashi.

Ciidamada oo tuhunsan in mushaharaadkii ay lahaayeen ay lunsadeen saraakiil uu hogaamiyo Cali Baashi ayaa goor dhow ku qabsadey Xerada Warshadii nacnaca ka dib markii halkaasi uu u booqdey in uu sheeko ruwaayadeed u jilo Ciidanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada ay diideen sii deysmada Abaanduulaha, waxaana ay ku xireen shuruud ah in uu meel ku sheego lacagaha ka maqan muddo ku dhow lex bilood oo aanay helin wax dhaqaale ah.

Saraakiishan lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyaan lunsashada lacagaha loogu talagaley Ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa ah horey waxa loogu eedeeyey in ay ku yimaadeen qaab nin jecleysi iyagoo aan laheyn qibrad iyo aqoon ku filan oo xaga ciidanka ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE