Kooxo Hubeysan Oo Caawa Degmada Afgooye Ka Afduubtay Wiil Uu Dhalay Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Afgooye

Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegayo in kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneynin ay afduub u geysteen wiil uu dhalay gudoomiyihii hore ee degmada Afgooye.

Wiilka la afduubtay oo lagu magacaabo Ibraahim C/laahi Iideey ayaa ka mid ahaa dhalinyarada firfircoon ee degmada Afgooye..

Inta uu socday afuudbka oo ka dhacay xaafadda Baalgure, waxay dableyda weerarka soo qaaday ay dhaawaceen labo ruuxo oo dadka deegaanka ka tirsan iyadoo mid ka mid ah dadka la dhaawacay ay ahayd haweeney.

Xaalad kacsanaan a ayaa caawa ka jirto degmada Afgooye, waxaana loo badinayaa in afduubka ka dhacay Afgooye uu la xiriiro colaadda beelaha ee ka taagan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wixii faahfaahin ee ka soo kordho xiisadda ka jirto degmada Afgooye, wararkeena dambe ayaan idinku soo gudbin doonaa haddii Alle idmo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE