Tariikhda uu baxay magaca IIDOOR (Isaaq) iyo halka uu kasoo jeedo,yaase bixiyay? W/Q.Khadar Aar

​Magac bilaash uma baxo,Somaliduna sideedaba waxa ay caan ku tahay bixinta iyo ku dhajinta magaca ama Naanaysta qof ama qolo loogu yeedho; wali wax ma iska waydiisay magaca la yidhaa IIDOOR oo loo yaqaano Qabiilka Reer Sheekh Isaxaaq ,halka uu ka soojeedo iyo meesha uu salka ku hayo magacaasi.

Dunidan aynu ku nool nahay ma jiro shay ama wax aan magac lahayni,balse hadana magac iyo naanays kasta oo loo yaqaano Magaalo,Qabiil,Dhul iwm ,waxa uu ka turjumayaa ama uu ku tusinayaa in loogu bixiyay shay mucayin ah oo cidaasi ama dhulkaasi caan ku yahay.

Qabiilka loo yaqaano IIDOOR ama reer Sheekh Isaxaaq ,ayaa waxa ay yihiin qabilooyinka Ilbaxnimada iyo Xadarada ugu horeeyay dadka Somalida ah,taasina waxa ay keentay in ay xidhiidho aad u fara-badan ay la yeeshaan badmareenadii Carabta iyo Turkida .

Waxa aad in badan maqasheen iyada oo dadka IIDOORKA (Isaaqa) ama Reer Sheekh Isaxaaq lagula kaftamaayo magaca ama Kalmada Iidoor,taasi oo laga yaabo dadka kula kaftamayaa in aanay garanayn kalmadani iyo asaas ahaan halka ay kasoo jeedo.

Inta aanan guda galin magacani Iidoor halka uu kasoo jeedo iyo cida wakhtiyadaasi hore ugu yeedhi jirtay,waxa aan jeclahay in horta Kalmada Iidoor aan ka bixiyo macnaha ay leedahay af-Somali ahaan.

Kalmadan Iidoor waxa ay asal ahaan kasoo jeedaa luqada saxa ah ee aynu ku hadalno ee afka Somaliga,waana kalmad marka si qeexan loo macneeyo ku tusinaysa wax kala doorsi,tusaale ahaan hadii aan hadda ku idhaahdo ;Kabahan aan sito waxa aad iigu doorisaa Shaadhkaaga,taasi waxa ay ku tusinaysaa in aynu wax kala doorsanayno.

Madamaa aanay wakhtigaasi jirin Lacag wax lagu kala iibsado ,sida maanta meelkasta oo Somali degan tahay ka jirta,ayaa waxaa wakhtigaasi la isticmaali jiray in dadka iyagu reer Guuraaga ahi ay xoolahooda,Subagooda iyo Hargahooda loogu badali jiray waxyaabo aanay markaasi haysan kana hilikarayn deegaanka ay ku nool yihiin.

Iidoori macnaheeda kale ee ay bixinaysaa waxa uu yahay “Iidoori ama wax inoo kala doori “,inoo kala badal “,waxan hoo waxaasna isii” ,taasina waxa ay salka ku haysaa in ay jiraan laba dhinac oo wax kala doorsanaya,midna wax ayuu doorinayaa midna waa loo doorinayaa ,midkastabana waxa uu sitaa wax dhinaca kale uu u baahan yahay .

Xiliyadii ay Somalida badankeedu ay u badnayeen dhulka Miyiga ah ama Badiyaha,ayaa horta kalmadani ay baxday,waxyaabaha asaaska u ahaa in ay baxdana waxaa ka mid ahaa noloshii markaasi jirtay oo ahayd mid laba dhinac kasoo jeeda ,kuwaasi oo kala ahaa, dad Reer Guuraa ah oo aan Kaymaha kasoo bixin iyo dad xadarad iyo Ilbaxnimo lahaa oo la macaamili jiray Carabtii iyo Turkidii wakhtigaasi ganacsatada ahayd.

Waxa kaloo iyana wakhtiyadaasi jirtay kalmad kale oo iyana aad loo isticmaali jiray oo ahay ABBAAN,kalmadan *Abbaan ayaa iyada lafteedu waxa ay salka ku haysaa isla ganacsiyadaasi wakhtigaasi,waxana kalmadan isticmaali jiray ama loo yaqaanay cida markaasi ka wakiilka ah ganacsatada Carbeed ee dalka ka kanacsan jiray.

Waxa Tariikhda lagu hayaa ABANADII IIDOOR oo ahaa kuwii markaasi wakiilada u ahaa dadkii Carabta ahaa ee dhulka Somalida keeni jiray,ganacsiyada aadka loogu baahan yahay ee aanay markaasi aqoonta u lahayn dadka markaasi Somalida ah ee Kaymaha ku jira ama aan ahayn Ilbaxa.

Waxa kaloo iyana meesha ku jira in ganacsatadii Carbeed ee wadanka wax keeni jirtay xiliyadaasi ay ahayeen kuwa ay is garab socdeen culimadii Muslimiinta ahayd ee ka imanaysay Wadamadaasi Carabta,ganacsi Carab inooga yimaada iyo bad-mareenadii carabta ee aynu aragnaa waxa ay ahayeen kuwo isku wakhti inasoogala.

Hadaba aan usoo daadego kalmadan IIDOOR iyo sidii ay ku baxday:-

Iidoor horta waxaa loo yaqaanaa sida aynu horayba usoo sheegnay Qabiilka Isaaqa, Iidoorku ama Isaaqu wakhtiyadaasi uu magacu baxay ,waxa ay ahayeen kuwa kaliya ee gacansi la leh ama AABAAN(wakiil) u ah ganacsatadii Carbeed iyo Turkidii dhulka iman jirtay.

Qaabkii iyo hanaankii magacan loogu bixiyayna waxa uu ahaa ,Idoorka ama Isaaqu waxa ay ahayeen kuwo waxyabaha ay Carabta iyo Turkida kasoo qadaan u geeya dadka iyagu ku noolaa wakhtigaasi Duurka iyo dhulka Miyiga ah;waxyabaha ay u gayn-jireen waxaa ka mid ahaa Sonkorta ,Timirta,Shaaha madoow,Nacnaca,dharka la gashado iwm

Hadaba Abaanadii Carabtu waxa ay dhulka Duurka ah ugu gaynjireen dadkaasi waxyabahaasi aynu soo sheegnay,madamaa aanay wakhtigaasi jirin Lacag samaysan oo la yaqaano,waxa ay Abanadii Iidoorku (Isaaqu) dadkaasi Duurka ku jira ka qaadan jireen ama ay kaga badalan jireen ganacsigaasi waxyaabaha ay markaasi u baahan yihiin Carabtii ay Abaanka (wakiilada) u ahayeen.

Waxyabaha ay ka badalan jireena waxaa ka mid ahaa,Xoolaha,Hargaha iyo Subaga, qofkasta oo ka mida dadkaasi iyagu markaasi jooga dhulka Baadiyaha ah ama Miyiga ,waxa uu goobta wax lagu kala iibsanaayo oo wakhtigaasi loo yaqaanay suuqa ama goobta wax laysugu Doorinaayo uu keeni jiray Xoolo ,Hargo ama Subag ,kadibna waxaa loogu doorin jiray waxa uu sito wax u dhigma.

Magaca ama kalmada ah IIDOOR waxa ay kasoo jeedaa, ninkii Duurjoogta ahaa ee isagu Subaga ,Xoolaha iyo Hargaha sitay ee ninkii ABAANKA ahaa uu igu dooriyay Sonkor,Shaah madaw,Timir iyo dharka;taasina waxa ay ku tusinaysaa in magacu uu yahay IIDOORO oo ah waxa aan wataa neef Adhi ah waxaad iigu Doorisaa Kiilo Sonkora iwm.

Hadaba magaca yaa bixiyay ? ma jirtaa cid gaara oo lagu tilmami karo in ay iyadu magacan kaligeed ay bixisay ?ma qabiil gaar ah oo la yaqano ayaa magacan bixiyay? mase la hayaa tariikhda cidii ku dhawaaqday ee u horaysay?

Waxa ay ila tahay in mid aan Somali oo dhami in aanay isku diidanayn,taasi oo ah, in ay magacana IIDOOR ay bixiyeen dadkii markaasi reer Miyiga ahaa ee iyagu aan Ilbaxnimada lahayn,kuwaasi oo ku noolaa dhulka Doorka ah ama Kaymaha.

Marka ay ka faloonayaan dadka Somalida ah ee Tariikhda hayaa magacan iyo cidii bixisay ama xiligii la bixiyay, waxa ay u kala saraan laba arimood oo kala ah Xiligii magacani uu caanka noqday iyo cidii bixisay ee iyadu ku dhawaaqday.

Hadii aynu ku horayno xiligii magacan IIDOOR uu baxay ama uu caanka noqday ,lama hayo tariikh go’an oo magacan la bixiyay,balse waxa la isku waafaqsan markii aan waraystay dad badan oo Odayaal ah ,Tariikhdana u dhuun daloola , in magacani uu baxay oo kaliya xiliyadii ganacsiga Carabta iyo Turkida ,gaar ahaan xiligii dawladii Cusmaniyiinta ee Berbera xidhiidhka la lahayd .

Su’aasha kale ee ah yaa magacan bixiyay,ma jirto cid gaar ah oo bixinta magacan lagu sheegi karaa,balse waxa ay dadka Tariikhdu isku raacsan yihiin in ay magacan bixiyeen dadkii wakhtiyadaasi Duurka ku jiray ee aan reer magaalka ahayn.

Maxaa ka jira in magacan IIDOOR ay bixiyeen Qabiilka OGADEENKU,runtii waxa aad moodaa in hadal haynta magacan ay u badan yihiin qabiilka Ogadeenka iyo Qabiilooyin kale oo iyaga laftoodu aan ka fogayn , balse hadana waxa ay dadka tariikhda odorosaa ay cadaynaynaan in bixinta magacan IIDOOR aanu ku koobnayn oo kaliya Qabiilka Ogadeen; waayo madamaa uu magacani ku baxay ganacsi iyo wax kala badalasho ,waxa la cadaynaya in cidkasta oo markaasi Duur-jooghayd ay magacan ku halqansan jirtay.

Waxa laga yabaa in Magaca ay qabiil gooniyii bixiyeen,oo taasi maaha wax lala yaabo,xiliga ama saacada uu baxayana waxa dhici karta in hal qof uun uu ku dhawaaqo ,qofkaasina uu kasoo jeedo qabiilka Ogadeen ama cidkale oo markaasi wax loo DOORINAAYAY (wax laga iibinayay) ,hadana iyada oo ay sidaasi tahay ayaa Magacan IIDOOR waxa uu ahaa mid ad looga isticmaalo mandaqada Somalida waagaasi aanay jirin Ilbaxnimadu.

Dad badan oo kasoo jeeda qabiilada Isaaqa ama Iidoorka , ayaan iyagu ka warhaynin magacani asal ahaan halka uu kasoo jeedo iyo ilbaxnimada uu xanbarsan yahay ,kadibna waxa dhacda in ay ka xanaqaan marka ay ugu yeedhaan dad kale oo iyaga laftoodu ah kuwii xiligaasi bixiyay magaca IIDOORKA oo ahaa kuwii wax loo doorin jiray ama laga iibin jiray .

Magacan IIDOOR waxa uu ku jira Gabayo badan oo ay isu tirin jireen dadka Somalida ahi ,gaar ahaan kuwii markaasi xirguftu ay ka dhaxaysay Qabiilka Isaaq ama Iidoorka,nimanka gabayadaa tirinaaya waxa laga yaba in aanay garanayn magacan iyo asalka uu leeyahay,ama ay yihiin niman tariikhdii uu magacabu baxay doonaaya in ay ka il-duufaan isdiidsiyaan heerka ay kala joogeen iyaga iyo Iidoor.

Hadii lagugu yidhaahdo kaagan IDOOR ,taas macanaheedu waxa uu yahay in aad tahay qof ilbax ah,waxa iyaduna dhici karta in kan u haysta in magacani uu cay yahay uu arkay oo kaliya dhalinyaro ka xanaaqsan oo aan garanayd asalka iyo magacani IIDOOR meesha uu salka ku hayo.

Magacan IDOOR ee wakhtigaasi iyo iminkaba loo yaqaanay Qabiilada Isaaqa,kaasi oo asalkiisu uu kasoo jeedo sida aynu horayba u sheegnay Ilbaxnimadii iyo Xadaradii Reer Sheekh Isaxaaq,ayaa waxa aad arkaysa in Qabilooyinka Somaliyeed ee Galbeedka degani aanay Isaaq u aqoonin magaca IIDOOR.

Qabiilooyinka iyagu ahaa Ilbaxa sida Gadabuursi (Samaroon) iyo Ciise,may ahayn kuwo Isaaq wakhtigaasi iyo hadaba ugu yeedha magaca IDOOR ,waayo waxa ay ahayeen kuwo iyagu Ilbaxnimo iyo xadaarad wakhtigaasi lahaa,manay jirin sabab ay magacaasi Isaaq ugu yedhaan,waayo wax laga Iibinaayo ama LOO DOORINAAYO AYAAN JIRIN,madamaa ay xidhiidh dhaw iyo mid dheerba ay la’lahayeen Carabtii .

Qabiilada Isaaqa ama Iidoorku ,wakhtigaasi aynu kasoo sheekaynay ,ganacsigoodu kumuusan koobnayn oo kaliya Somalida,balse waxa uu xiligaasi ganacsi lalahaa dadkii Oromada ahaa gaar ahaan kuwii soo xigay deegaanka Somalida.

Waxa aan tariikhda ku maqlay,in wakhtiyadaasi qabiilooyinka aanu IIDOORKU wax ka Iibin (u’doorin) ay asiibi jirtay darxumo aad u farabadan oo kaga timaada dhinaca dhar-xidhashada,Sulkor la’anta iyo macmacaanka Timirta oo ay waayi jireen.

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran