Baabuur Xamuul Ah Oo Uu Ku Rarnaa Bal Oo Ku Gubtey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Gaari nooca xamuulka qaada ah oo uu ku rarnaa Bal ayaa saake waxa uu ku gubtey magaalada Muqdisho ka dib markii uu qabsadey dab xoogan oo ka kacay in baabuurka dhexdiisa.

Sida wararku sheegayaan Gaariga Gubtey ayaa balka la siiyo xoolaha ee laga gooyey Galleyda ka keenay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose, waxaana la sheegayaa in shilkan uu yimid ka dib markii ay qarxeen laba ka mid ah Taayeerada lugaha Buubuurka ku xirnaa uu ku kacay dabka qabsadey.

Gaadiidka dam damiska ee uu leeyahay Maamulka Degmada Dayniile ayaa gacan ka geystey daminta Dabkan qabsadey Gaarriga xamuulka, waxaana gaarigan markii uu dambka qabsanaayey uu ku sugnaa isgoyska Kulliyadda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE